Ku-dhawaad 100 Dugsi oo loo xidhay cabsi-gelin Qaraxyo & Digniinta la diray

Ku-dhawaad 100 dugsi oo ku yaalla Caasimada dalka India ee New Delhi iyo kuwa Gobalka National Capital Region (NCR) ayaa waxay saacadihii lasoo dhaafay heleen Fariimo E-mail oo Cabsi Qaraxyo.

Ardayda Dugsiyadaasi ayaa waxaa lagu wargeliyey inaysan tegin Dugsiyada, iyadoo Ciiddanka Boliska bilaabeen Baaritaanka Qaraxyada iyo halka Asal ahaan laga soo diray Digniinahaasi.

Dugsiyada loo soo hanjabay ayaa waxaa la tilmaamay in Dugsi kasta fariinta loo soo mariyey Cinwaanada E-mailkooda Rasmiga ah (Their official email IDs).

Hawlgalo ayey bilaabeen Boliska iyo Khubarada u tababaran ka bilaabeen Baaritaanka iyo Kala-Furfurista Bambooyinka, iyadoo dadka laga wada saaray Dugsiyada loo soo diray Qoraalada Digniinaha.

Saraakiisha waxay kale oo ay sheegeen in Digniino kale noocaasi oo kale labo maalin ka hor loo diray Garoomada Diyaaradaha iyo Isbitaalada.

Aseega Dab-damiska New Delhi  (The Delhi Fire Service) waxay tilmaameen inay heleen 60 wicitaano oo Digniino Qaraxyo.

Docda kale,  Sarkaal ka tirsan Boliska Caasimadda dalka India ee New Delhi ayaa u sheegay Warbaahinta Maxaliga in baaritaanka lagu sameeyey halka Asal ahaan laga soo diray E-mailada Cabsi-gelinta, waxaana la xaqiijiyey in Dhaqsiga soo diray uu adeegsaday Internet Khadka Raashiya (The sender used a Russian IP address).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker