Midowga Afrika oo xaqiijiyay in la isku dayay in $6 milyan lagala baxo akoon ay ku leeyihiin Bangi kuyaala Addis Ababa

Ururka Midowga Afrika ayaa qirtay in la isku dayay in lacag dhan 6 milyan oo dollar lagala baxo akoonka ay ku leeyihiin bangiga ganacsiga ee Itoobiya (CBE) oo ku yaala magaalada Addis Ababa, balse uu fashilmay isku daygaasi.

Waa bayaankii ugu horreeyay oo rasmi ah oo Midowga Afrika uu ku qirto wararka isku daygaas fashilmay. Midowga Afrika waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin falkaas.

15kii Abriil, ayay ahayd markii amarro kala wareejin ah loo gudbiyay Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya, laantooda ku taal gudaha Xarunta Midowga Afrika, ee Addis Ababa. Amarka wareejinta lacag bixinta waxaa gudbiyay shaqsi aan ahayn shaqaale ka tirsan Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa tallaabadan kadib, wuxuu  dib u eegis ku sameeyay tallaabooyinka amniga, si loo xoojiyo loona hirgeliyo borotokool looga hortagayo isku dayga khiyaanada ah ee lagu waxyeeleynayo dhaqaalaha AU.

Toddobaadkii hore, Addis Standard Amharic ayaa sheegtay in bartamihii bishii Abriil, booliiska Addis Ababa ay xireen wadaad sare oo ka tirsan Kaniisadda Orthodox Tewahdo ee Itoobiya (EOTC), oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu 6 milyan kala baxo akoonnada dibadda ee Midowga Afrika

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker