Gabadh yar oo laga soo badbaadiyay minka hooyadeed oo mayd ah oo hadda geerideeda la soo sheegay

Ilmo yar oo maalmo kahor qaliin looga soo saaray iyadoo nool caloosha hooyadeed oo mayd ah ayaa maanta geeriyootay, sida ay BBC-du ogaatay.

Saabiriin ayaa qaliin looga soo saaray uurka hooyadeed oo ku dhimatay duqeyn Israa’iil ka gaysatay Koonfurta Qasa, qaliin kaas oo lagu sameeyay isbitaalka Shifa habeenimadii Axadda.

Dhakhaatiirta ayaa neef siinayay ilamaha yar si ay u hawlgalaan sambabada oo shaqadoodu yarayd.

Si kastaba ha ahaatee, Khamiistii ayay dhimatay, waxana lagu dhinac xabaalay hooyadeed.

Saabiriin waxa ay kamid ahayd 16 caruurra oo lagu dilay labo duqeyn oo xagga cirka ah oo lagu qaaday Rafax, todobaadkii hore dhammaad kiisii. Dhammaantood waxa ay ku dhinteen duqeyn lala beegsaday dhismihii ay daganayeen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker