Wiil Dhallinyaro Ah Oo Garan Waayey Gurigoodii Oo Raadinayey Toban Maalmood Iyo Sababta Keentay

Wiil u dhashay Dalka Maleysiya kuna nool Dalka Singapore ayaa waxa uu garan waayey halka uu ku yaallo gurigooda, wiilkan ayaa ka xishooday inuu dadka weydiiyo tilmaanta gurigooda amase goobihii u dhawaa ee uu garanayey, xishoodkaasi awgii waxa soo waajahay wiilkaasi socod iyo Rafaad qaatay muddo maalmo ah.

Wiilkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Zhang Daming, wiilkan ayaa waxay da’diisu tahay 18 jir waxaanu ka soo guuray Dalka Malesia muddo hal bil ah ayuu deganaa waddankaasi Singapore, xishoodka uu ka xishooday inuu dadka weydiiyo halka uu ku yaallo gurigooda waxa uu sababay inuu gurigooda oo uu ku gaadhi lahaa muddo daqiiqado ah inuu raadiyo muddo toban Maalmood ah.

Wiilkan ayaa dhibka ugu badan waxa uu ka soo gaadhay teleefankiisa gacanta oo uu kaga tegay guriga ugu dambayna muddo 10 maalmood ah kadib ayuu gaadhay gurigoodii, waxaana sugayey qoyskiisa oo yaabanaa muddadaasi uu maqnaa ba.

https://www.worldofbuzz.com/this-18yo-msian-was-so-shy-to-ask-for-directions-he-got-lost-in-singapore-for-10-days/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker