Marka saddex, saddex ka dheerayso ummaddu halis by gashaa (Qoomna Ilaahay ma beddelo haddanay iyagu isbeddelin.)
Marka baadilka, xaqa laga horreesiiyo; marka sharka, khayrka la dhaafiyo; iyo marka beenta runta laga fadilo. Umadda arrimahaasi ku bataan cid kastoo ay tahay; meel kasta deggantahay iyo waqti kastay joogto dhibay la kulanta..Taariikhadaana ka markhaati ah. Shucuubta caalmku inta badan way isku raacsantahay in xumaha iyo samahu kala fiicaniyhiin iyo waxa laga dhaxlikaro haddii dawga xun la raaco. Islaamku wuu ka sii xag jiraa oo diinta suubban ayaa inga reebeysa xumaha, samahana ina faraysa.
Somaliland, qof denbi cad qaranka ka galay, hub qaatay. dagaal ula badheedhay, ciidankii uu u dhaartay ka fallaagoobey. xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidanku u xilsaaranyhiin dacwadiisa, in maramarasiiyo loo raadiyo oo beel dhan odayaasheedo sharciga baal mariyaan ma habboona. (anigoo beesha ka mid ah). Waxa la yidhi walaalkaa garta ku naq magatana la bixi. Hadii taas lagarab maro, Somaliand wax badan baa ka khaldan, waana xaqii oo baadil laga horreysiiyey.
Somaliland waxa jira dad badan oo marka la sheego wanaagga, xumaan u beddela,dadka shaki ku abuura. iyagoo qof u jeeda ama beel ama dawladdaba, Somaliland dhaawac u geysta, cadowgana u nugleeya, isku khaladda mucaaradnimada iyo jiritaanka qaranimada, guulaheenana dafira. Marka laga reebo inta aqoondarradu hayso, inta u badheedhaa xaalkoodu waa sharkii oo kharkii la dhaafiyey
Somaliland waxa ku badan dad sheega waxaan jirin, waxaanay garsha u lahayn ka hadla, oo weliba ku qora baraha bulshada,warar been ah oo ula kac u tebiya,dad madaxada caayaa oo waxanay hubin ka sheega, sida hebel waxboo xaday, daar buu dhistay, xoolii umadduu dhacay, iyadoo Ilaahay ogyahay aakhiradooda, haddana waxa ka sii daran kuwa rumaysta ee sii fidiya oo dadka wargaleenka ah iyo xogta xaqiiqda ah ka jecel rumaynta waxaan raad lahyn. Haddii taasi sii socot, waa arrintii saddexaad .Waa beentii oo runtii ka adkaatay. Waxay saddexdu ka mid yihiin waxa ummad dhaqan lagu halligaa.
Qoomna Ilaahay ma beddelo haddanay iyagu isbeddelin.
Muusa Cige Cali, Ottawa Canada.
madoobeh@hotmail.com




