Somaliland Iyo Puntland Oo Loogu Baaqay In Ay Gacan Wayn Ka Gaystaan Nabadeynta Beelihii Ku Dagaallamay Gobalka Sool.

Waxgaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqay Puntland iyo Somaliland iney kaalin ka qaataan sidii lagu dhammeyn lahaa colaadda gobolka Sool.

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah waxgaradkan ayaa  sheegay in dagaal sii socdaa aanu waxbo soo kordhineyn.

Waxa uu sheegay garaadka in sidoo kale la doonayo iney Somaliland iyo Puntland ay dhankooda ka shaqeeyaan sidii xiisadaha jira loo qaboojin lahaa.

“Somaliland iyo Puntalnd waxaa haboon iney xalliyaan colaaddan soo noqnoqotay, waxaana waajib ka saaran yahay cid walbo oo Soomaali ah” ayuu yidhi Garaadka.

Beello walaalo ah ayaa ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sool, iyadoo weli aanay jirin xal rasmi ah oo laga gaadhay dagaalladaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker