Sharci Ahaan Xubnaha Gudida Doorashoyinka Qaranka Dib Ma Usoo Noqon Karaan , Qalinkii Suxufi Sinyoore

 

Qalinkii Suxufi Sinyoore

 

 

Sharci ahaan Xubnaha gudida doorashoyinka Qoranka Ee Wakhtigu ka Dhamaaday Dib ma usii noqon karaan yadoo loo raacayo Xeer Lr.20-2001-2016 Xeerka Doorashoyinka.

 

Sidaynu ka warqabno muddo sanad ah, waxaa axsaabta qaranka iyo xukuumaduba ay ku murmayeen in la kala diro komishanka oo xisbiga waddani uu ku eedeyey wax isdaba marin inkastoo  aanuu wadadii sharciga ahayd aanuu umarin ,

Hadana waxa marag madoona inay Gudidani yihiin kuwo aan dhexdhexaad ahayn.balse

 

khilaafkaasi taagan waxaa hadana yimid muran cusub oo mudo dheer laysku mari la,aa xubnaha ha la kordhiyo oo laba halagu daro marka kuwan hore la kala diro , taas oo iminka xal laga gaadhay ,
Hadaba su,aashaSharci Ee iswaydiinta lehi waxay tahay marka mudadu ay ka dhamaato xubnahan hore iyaga laftooda ma loo cusboonaysiin karaa si wadar ah ?
sidoo kale xubnahu meelahii ay ka imanayaan mar labaad xaq ma uleeyihiin inay soo magacaaban isla xubnahan hore xubno ka mida ?

 


Jawaabta oo kooban waa sidatan

 


Sida ku cad Xeerka Komishanka doorashoyinka Qaranka Xeer Lr.20/2001/2016 Xeerkani waxa uu sicad uga hadlayaa Xubaha in dib loogu kordhinkaro mudada si wadar ah ,

 

Sida ku cad Qodobka.11aad Farqadiisa(1aad xubintiisa c) sidoo kale Qodobka.12aad oo si cad u qeexaya xubinta loo dooranayo ee buuxinaysa Xubinimada komishanka dorashoyinka qaranka somaliland

Hadaba dhamaan Qodobadaas ku xusan Xeerka komishanka doorashoyinka Qaranka Ee Xeer Lr.20-2001/2016 waxa uu suurtagal ka dhigayaa oo sahlan sifo sharciga waafaqsan in xubnahan komishanku ay marlbaad u soo noqonkaraan iyadoo sharciga ay waafaqsantahay soo noqoshadoodu taasina waxay mar labaad keeni kartaa carqalad kale oo hor leh oo aanay ku baraarugsanayn xisbiga hore uga cabanayey gudida doorashooyinka ,

 

 

waxaanay keensan  kartaa in murankaasi uu galaafto marlabaad mudo xileedka doorashada ee iminka aan suurtagalnimadeeda laga dayrinayo .

waxaana aad dareemaysaa hawlaha komishanku iminka ay ku sii shaqaynayaan ee ay ugu danbaysay shaqada tijaabada ah ee maant oo Tr.23/09/2019 ee ay ku soo bandhigeen jamacada hargaysa inay hayaan moral iyo balanqaad niyad ku dhisan oo ay shaqada kusii wadayaan , iyadoo ay awlaba ahayd waajib saaran basle qiimaynteyda iyo niyada ay ku shaqaynayaan ayaa ah mid ay kusii wadanayaan hawlaha ay qaranka ugu igmanaayeen awlaba .

 

Dhamaan khaladaadkan iyo muranadan sharci ee mar walaba soo noq-noqdaana waxay ka dhigantahay inaan xisbiyada iyo xukuumadu midna aanay muranadooda ku salaynin sharciga iyo waaqica dhabta ah ee ku salaaysan hadii talaabadaas laqaado maxaa ka dhalanaya ,

 

ee ay yihiin muranda xisbiyada dhexdooda iyo xukuumadu kuwo ah midi midi ku taag oo aan ku dhisnayn xeerarka dalka iyo xaqiiqada dhabta ah oo lagaga turjumayo aragti dheer .

Taasina waxay marag madoon u Tahay sida Reer Somaliland Dawlad iyo Axsaaba aanay uga Korin dhinaca ku dhaqanka iyo Tixgalinta Shuruucda wadanka u Taalla

 

Wa billaahi Tawfiiq

 

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker