Ra’iisal Wasaaraha New Zealand Oo Baajisay Arooskeedii Iyo Sababta?

Ra’iisal wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa baajisay arooskeeda ka dib markii ay ku dhawaaqday xayiraado cusub oo la xidhiidha cudurka Covid-19.

Dalka oo dhan ayaa lagu wadaa in la geliyo heerka ugu sarreeya ee xannibaadaha Covid ka dib markii uu aad ugu faafay nooca cusub ee Omicron.

New Zealand ayaa waxay diiwaangelisay 15,104 kiis oo ah xanuunka Covid-19 halka ay 52 u dhinteen cudurka 24.

Ms Ardern ayaa Axaddii u xaqiijisay warbaahinta in arooskeeda oo lagu waday inuu dhaco dhawaan oo si toos ahna looga baahin lahaa telefishinka Clarke Gayford uusan dhici doonin.

Dalka New Zealand wuxuu hirgeliyay xeerar adag oo la xirriira safmarma Covid-19 tan iyo markii uu bilawday, taas oo horseeday inay tirada dhimashada aad u yaraato. Waxay ahayd mid ka mid ah waddamadii ugu horreeyay ee adduunka ee soo rogo xayiraadaha la xidhiidha socdaalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker