Warbixinta Doorashada Somaliland: Caqabadaha ku Hareeraysan Doorashada G/Wakiilada iyo Deegaanka

  • Doorashadii ugu dambaysay ee golaha wakiillada waxaa la qabtay 25/09/2005, iyada oo wakhtiga golaha wakiillada la doortay oo ahaa shan sano uu ku ekaa October 2010, hase ahaatee shan jeer ayaa loo sameeyey muddo kordhin kala duwan.
  • Golaha Deegaanka waxaa doorashadii ugu horraysay la qabtay 15/12/2002, Golahaas oo la doortay muddo shan sano ah ayaa xilka ka degey December 2012, iyada oo ay xilka la wareegeen golaha deegaanka ee haatan dalka ka jira, kuwaas oo la doortay November 2012, waxaana wakhtigoodu ku ekaa December 2017, hase ahaatee hal mar ayaa xilka loo kordhiyey iyada oo muddo kordhintaasi ay ku ekayd 28/04/2019.
  • 7 June 2018, Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaangelinta oo isku dhafan oo ay tahay in lagu maamulo doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, Wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee dalka iyo weliba diiwaangelinta codbixiyayaasha, ayaa la horgeeyey golaha wakiillada, waxaana xeerkaas qayb ka ah kuraasa kootada ah ee haweenka iyo dadka la haybsooco ay ka helayaan golaha wakiillada iyo saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka ee gobolladu kala helayaan, Xeerkaas ayaa golaha loo gudbiyey ka dib markii ay anixiyeen golaha Wasiirada ee Somaliland. Illaa haatan xeerkaas looma dhaqaaqin, golaha wakiilladuna weli kama doodin, iyaga oo sabab uga dhigaya, in marka hore ay tahay in go’aan laga gaadho arrinta saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka si xeerka loo ansixiyo.

 

Xafiiska la socodka Arimaha Doorashada 
CPA 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker