Dad Badan Oo ku Dhintay Diyaarad Rakaab ku Dhacday Guryo Shacab Ee Dalka Congo.(Sawiro)

Dayuurad Rakaab ah ayaa ku burburtay magaalada Goma ee ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana ku dhintay 24 qof.

Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa Dornier 228 waxaa leh Shirkadda diyaaradaha rakaabka ee Busy Bee, waxayna xilligaasi ku socotay Beni oo 350km u jirta magaalada ay ka soo duushay.

 

Waxaa Saarnaa 17 qof oo Rakaab ah iyo  2 qof    oo Shaqaalaha diyaaradda AH , waxaana la sheegay inay dhammaantood ku dhinteen Shilkaas, waxaana sidoo kale shilkan ku naf waayey shan qof oo ku sugnaa goobta ay ku burburtay.

 

Diyaaradda oo ku dul dhacday dhismayaal ay dad dagganaayeen ayaa sida oo kale waxyeello u geysatay dad Guriyahaasi ku sugnaa.

Maamulaha gobolka Kivu ee waqooyiga dalka DRC Nzanzu Kasivita Ayaa sheegay diyaaradda marka ay garoonka caalamiga  ah ee magaalada ay ka duushay waxyar kadibna la waayey.

 

Warbaahinta maxalligiina waxay sheegeen in dad ku Sugnaa halka ay Diyaaradda ku burburtay dadka ay waxyeellada soo gaadhay ay ka mid yihiin Dad aan Saarnayn Diraaradda oo Goobta ay ku dhacday ku Sugnaa.

Shilalka diyaaradaha ee ka dhaca DRC ayaa la sheegaa iney yihiin kuwa marar badan soo Noqnoqda Waxaana Lagu Sababeeyaa Badqab La aanta Diyaaradaha  oo aad u liita iyo diyaaradaha oo aan dayactir taya leh loo sameyn.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker