WAA MAXAY SABABTA INDHAHA CAALAMKA KU SOO JEEDISAY XILIGANI JAMHUURIYADA SOMALILAND?

Dalka jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa aad looga hadal hayaa warbaahinta waaweyn ee aduunka, baarlamaanada dalalka midowga yurub , ingiriiska iyo maraykanka.

Waxaa hadaba isweydiin leh maxaa indhaha caalamka ku soo jeediyey jamhuuriyada Somaliland xiligani Gobolka Geeska Africa aanay xaaladihiisu wanaagsanayn waxaana la odhan karaa ;

1- Nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta dalka oo ay jamhuuriyada Somaliland kaalinta koowaad kaga jirto Gobolka Geeska Africa iyaga oo aanay ciidamo shisheeyana joogin saldhigyo waaweyn oo dawlado kalena ku oolin.

2- xidhiidhka jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan ayaa qayb weyn ka ah , maadaama dawlada weyn ee China Somaliland meel walba cambaareyn ula taagan tahay.

3- Nidaamka dimuqaradiyadeed ee ururada iyo axsaabta badan , doorashooyinka sideeda ah ( Eight one man one vote elections held ) ee ay Somaliland qabsatay.

4- Kaalinta diblomaasiyadeed iyo dhex-dhexaadnimo ee ay ka istaagtay dagaalka Ethiopia ka socda oo dawladaha gobolku ee maamulka Addis-Ababa jooga taageereen .

5- Maalgashiga caalamiga ah ee dalka ka hirgalay badhna ku soo fool leeyihiin oo Somaliland aduunka tusay wanaageeda iyo in ay tahay dal wax la gashan karo.

6- muhiimada halka ay aduunka kaga taalo jamhuuriyada Somaliland caalamka oo dhan u leedahay oo waliba xiligani dal waliba rabo in uu goob ka helo , xudhiidh wanaagsana la sameysto Somaliland.

7- Is eryadka baratanka dawladaha waaweyn ee dunida ka dhexeeya sida Maraykanka, China , France , Italy , UK, Turkey, Dunida Carabta iyo Iran.

Qodobadani waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu muhiimsan uguna waaweyn ee aduunku xiligani jamhuuriyada Somaliland ku hadal hayo , iyo xaaladaha gobolka Geeska Africa oo laga werwersan yahay waxa ay ku dambayn doonaan oo keeni kara in xasiloonida gobolku meesha ka baxdo , argagixisadu xoogeysato , sidoo kale ay dhacaan dagaalo qoomiyadeed oo galaafta dawladaha Gobolka Geeska Africa ku yaalla oo dhan.

Arimahani ayey iila muuqataa in jamhuuriyada Somaliland mudnaan loo siinayo maadaama dawladaha la jaararka ahi ay qaarna dagaalo ka socdaan , qaar doorashooyinkii la isku haysto qaar ay ka taliyaan kalitaliyeyaal arxan daran oo mudo dheer soo hortaagnaa umada.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker