Nin Falastiini Ah oo toogasho dhimasho leh ka fuliyey Qudus

Dagaal-yahan ka tirsan ururka Xamas ee Falastiin ayaa toogasho ku dilay hal qof, saddex kalena ku dhaawacay magaalada qadiimiga ah ee Qudus kahor inta aan toogasho lagu dilay, sida ay sheegeen booliska, kooxaha caafimaadka iyo saraakiisha Israel.

Afar qof oo dhaawac ah, oo laba ay yihiin saraakiil boolis, labada kalena shacab ayaa loola cararay isbitaalka Hadassah ee magaalada Qudus, halkaasi oo mid ka mid ah labadii qof ee rayidka uu ku geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa maray in amniga la xoojiyo, wuxuuna shacabka ugu baaqay “inay muujiyaan feejignaanta ugu sarreysa,” ayada oo ay suurta-gal yihiin weeraro dheeraad ah.

“Saaka waxaa toogasho ay ka dhacday Magaalada Qadiimiga ah ee Jerusalem. Waxaa xilligan jira dhimashada hal qof iyo dhaawaca saddex qof,” ayuu Bennett ku yiri war-saxaafadeed.

“Laba haween oo boolis ah iyo nin boolis ah ayaa durba dilay argagixisadii,” ayuu yidhi.

Qofka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Eliyahii Kay, wuxuuna ahaa muhaajir ka yimid dalka Koonfur Afrika oo ka shaqeynayey Darbiga Galbeed. Wasaaradda socdaalka ayaa sheegtay inuu ahaa 25 jir yimid Israel 2019-kii.

Wasiirka Amniga Dadweynaha Israel Omer Bar-Lev ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu ahaa Falastiini ku noolaa xaafadda Shuafat ee bariga magaalada Qudus, uuna ka tirsanaa Xamas.

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay bayaan ay “si xooggan” ugu cambaareyneyso weerarka.

“Waxaan u tacsiyeyneynaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker