Maxbuuskii iyo askariyaddii ilaalinaysay ee wada baxsaday oo la ogaaday inuu xidhiidh jacayl ka dhaxeeyay

Maxbuuska iyo waardiyaha looga shakisan yahay inay caawinaysay ayaa lahaa ‘xiriir gaar ah’, sida ay sheegeen baareyaasha.

Warka ka soo baxay xafiiska booliska ee Alabama ayaa lagu sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay xaqiijiyeen xiriirkooda, balse ma aysan shaacin heerka uu jaceylkoodu gaarsiisan yahay.

Haweeneyda askariga ah ayay Jimcadii ahayd maalinteedii ugu dambeysay ee shaqada.

Rick Singleton oo ah taliyaha saldhigga Lauderdale ayaa sheegay in bil ka hor ay Vicki iibisay gurigeeda, ayna hadal-heysay inay qorsheyneyso inay u guurto xeebta.

“Baadheyaashu waxay xogta ka heleen maxaabiista ku jirta Xarunta Asluubta ee Degmada Lauderdale, kuwaas oo sheegay in uu jiray xiriir gaar ah oo u dhexeeya Vicki White iyo Casey White,” ayuu yiri Rick Singleton oo ah taliyaha saldhigga Lauderdale

“Xidhiidhkaas hadda waxaa lagu xaqiijiyay baadhitaan aan ku sameynay ilo madax-bannaan oo kala duwan,” ayuu yiri taliyaha.

Ninka baxsadka ah haweeneyda askariga ah waxaa markii ugu dambeysay subixii Jimcaha lagu arkay saldhigga booliska Lauderdale ee Alabama.

Vicki ayaa sheegtay inay maxbuuska u waddo xarun caafimaad oo lagula socdo xaaladaha dhimirka, hase yeeshee, saraakiisha ayaa dib ka ogaaday in aysan arrintaas ku jirin qorshaha xarunta ee ballamaha.

Taliska ayaa ka digay in ninka baxsadka ah uu yahay ‘nin hubeysan oo halis ah’ – waxaa suurtagal ah inuu adeegsan karo hubka askariga la baxsaday.

Waaxda xabsiyada ayaa abaalmarin $10,000 u ballan-qaadday cid kasta oo ku soo wargelisa xog horseedi karta in dib loo soo xiro Casey White ama halka ay joogto Vicki White.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker