Ciidanka Dab-Damiska JSL oo Ka Badbaadiyay Laba Caruur ah Guri Dab Qabsaday

Ciidanka Dab-Damiska Somaliland oo Bad Baadiyay Laba Caruur ah Ka Dib Markii uu Dab Ka Kacay Guri ay Ku Jireen oo ah Xaafadda Xawaadle ee Magaaladda Hargaysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Sidoo kale ciidanka ayaa ku guuleystay inay laba caruura oo mid ka mida Jiinagadaha dusha lagaga xidhay ka soo samatabixiyaan dabka.
Ciidanka Booliska degmada , shirkada korontada ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka waantoobaan caruurta guryaha dusha lagaga xidhayo, dabadeed laga tagayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker