Qorshe La’aanta Khaarajinta Hadhaaga Saraakiishii Xasuuqday Shicibka Soomaalilaan

Sida dhacdooyinka taariikhuhu ina barayaan, halgan kastaa wuxuu leeyahay wejiyo badan oo si xidhiidh ah u socda. 2-dii Febarwari 1991 ayey xoogaagii SNM gudaha u soo galeen magaalooyinka ay ka kooban tahay Soomaalilaan-ta maantu. Wixii intaasi ka dambeeyey waxa soo afjarmay dagaalkii tooska ahaa ee ay ku wada jireen taliskii MSBarre iyo dagaalamayaashii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM. markii taliskaasi dhacay ayey hadhaagii madaxdii Faqashtu meello kala duwan oo adduunka ah qoxoonti ahaan ugu kala qaxeen.

Qaarkood dadka ayey la falgaleen oo reerahoodii oo halyey u aaminsan ayey dabada geliyeen. Jabhaddii SNM wax qorshe ah umay dejin sidii ay halkooda ugu khaarajin lahayd hadhaagii madaxdii taliskii Faqashta, oo waa kuwa iyaga oo meello dhaw jooga kolba ku faanaya xasuuqii ay u geysteen shicibkii taageersanaa SNM. maaha waxa ku filan in markay hadlaan uun la qayliyo oo loo jawaabo. markaad si fiican u dhugatid hawlgalladii ay gudaha Soomaalilaan ka fulin jireen jabhaddii SNM ee weliba sida fiican u fulay, waxa ku soo baxayaan in aanay meeshaba soo dhigan inay qorshe dibadeed oo hadhaaga lagu khaarajinaayo lahayn. Bal dhawrkan hawlgal ee sida la layaabka leh u guulaystay eeg:

= Sannadkii 1983 ayey dagaalyahanno ka tirsan SNM fuliyeen hawlgal si fiican looga soo shaqeeyey, waxa aanay jeelka Mandheera ka jebiyeen maxaabiis tiro badan. Jeelka Mandheera waxa si weyn gaadh uga hayey ciidan xoogan, waxa aanay anfariir ku noqotay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad.

= Hawgalkii miiska Saraakiisha April 1983: dagaalyahanno ka tirsan SNM ayaa si la yaab leh hawgal uga fuliyey xaruntii miiska saraakiisha ee Hargaysa. Waxa aanay hawgalkaasi kula baxeen Kornayl C/laahi Askar ‘AHN’ oo maxbuus ahaan ay goobtasi ugu xidheen ciidankii MSBarre.

= Xasuuqii saraakiishii Nabadsugida gobolladdii waqooyi: Sannadkii 1986 dabayaaqadiisii ayey dagaalyahanno ka tirsan SNM fuliyeen hawlgal cajiib ahaa oo ka yaabiyey dawladii Maxamed Siyaad. Waxa Hargaysa badhtankeeda goor habeen ah lagu xasuuqay madaxii sirdoonka gobollada Waqooyi oo la odhan jiray Axmed Aadan, ku xigeenkiisii Ilyaas iyo madaxii sirdoonka degmada Hargaysa oo la odhan jiray Degmo Laqas. Dhammaan ragaasi waxa lagu khaarajiyey hawgal mucjiso ahaa.

Maxaa loo waayey Hawlgal dibadeed oo hadhaagaasi lagu khaarajiyo?

Soomaalilaan waxa soo maray shan madaxweyne, saddex ka mid ahi waxa ay ahaayeen SNM marka lagu daro madaxweynaha hadda, halka labada kale aanay SNM ahayn. Labadii madaxweyne ee hore ee SNM ka tirsanaa waxa ay ku guuldarraysteen inay qorshe cad ka yeeshaan waxa laga yeelayo madaxdii ka tirsanayd hadhaagii Faqashta ee weliba si gaar ah ugu suntanayd xasuuquu shicibka taageerayaashii SNM. kuwa ugu dhaw ayaa ku sugan deegaannada Soomaaliya oo in la khaarajiyo ay fudud tahay. Moorgan wuxuu ka dhexeeyaa Puntland, Muqdisho iyo Nayroobi, si fudud ayaa loo khaarajin karaa haddii loo hawlgallo. Cabdiraxmaan Guulwade isna sidoo kale.

Halka Canjeex oo degan dalka Holan iyo Kornayl Tuke oo isna Maraykan degan loo dejiyo barnmaamij dibadadeed oo lagu khaarajinaayo. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu dambeeyey ee SNM ah ee kursiga ku fadhiya, waayo madaxdii iyo saraakiishii SNM waxa haya wakhtiga oo jiil cusub ayaa hoggaanka qaban doona. Haddii aanu madaxweyne Muuse la iman qorshe nimankaasi lagu khaarajinaayo, waxa dhici doonta inay wakhtiyada dambe ku soo dhiiran doonaan inay dalkaba booqasho ku yimaadaan.   Jabhadii TPLF ee xukunka Itoobiya qabsatay waxa ay lahaayeen koox qaabilsan ugaadhsiga hadhaagii taliska DERGIGII Itoobiya xukumayey. Dhawr sarkaal oo si dhuulamaysi ah ugu noolaa deegaanno ka tirsan dhul weynaha Axmaarada ayey si hoos u khaarajiyeen. Sidoo kale madaxweynihii hore ee Itoobiya oo haatan ku nool dalka Simbaabwi dhawr jeer ayuu ka badbaaday dhawr dil oo ay kooxdani qorshaysay. Waxa ay neefi ka soo booday markii uu geeriyooday Raysal wasaare Males Zenwi oo kooxdaasi ay toos uga amar qaadanaysay.

 

 

Cali Cabdi Coomay

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker