Nabigeena Muxammad NNKH wuxuu ku dhashay magaalada Maka Al-mukarama, sanad lagu magacaabo Caamul-fiil,

Nabigeena Muxammad NNKH wuxuu ku dhashay magaalada Maka Al-mukarama, sanad lagu magacaabo Caamul-fiil,

Bisha Rabiicul-awal, ama loo yaqaano (mowliid) 12-keeda, Habeen Isniin ah oo ay taariikhdu ahayd 571 miilaadi ,

Intii uu yaraa waxaa nuujiyay Hooyooyin badan waxaana kamid ahaa Xaliimatu Sacdiya, Oo iyada heysay Nebiga SCW ilaa uu ka gaaray 4 sano , ka dib waxay ugaysay Hooyadiisa Aamina ,

Hooyana waxay Heysay ilaa uu ka gaaro 6 sano, Dabadeed Hooyana wey dhimatay , kadibna waxaa kafaalo qaaday Awoowgiis C/mudalib ,

Awoowna Wuu dhintay isagoo Nebigu SCW jiro 8 sano , hadana waxaa ka faalo qaaday Adeerkiisa Abuu Daalib , Abuu Daalib wuu jeclaa Nebiga si fiican ayuuna u soo koriyay , Abuu Daalib ma uusan seexan jirin in dhinaciisa uu jiifo Nebiga SCW maahee, hadii uu meel aadayana wuu wadan jiray Nebiga SCW,

Nebiga Adeerkiisa Abuu-Daalib Wuxuu la joogay ilaa uu nin wayn ka noqdo , balse nasiib daro wuxuu ku dhintay Gaalnimo waana diiday inuu islaamo,

Nabiga SCW markii uu gaaray 25-sano ayuu guursaday Haweeney la yiraahdo Khadiija-Bintu-Khuweylid, oo aheyd Haweeney aad u sharaf badan , garoob ah , maal badanna laheyd, jirtayna 40 sano , waxayna u dhashay 6 caruur ah.

Nebigu markii uu gaaray 40 sano ayaa la diray oo laga dhigay Rasuul ,

Waxaana la amray inuu dadka ugu yeero towxiidka oo ah ilaahey inay caabudaan keligiis, markii 12 sano uu u yeeray dadkii deggenaa Maka iyo nawaaxigeeda aysanna rumayn dad badan ayaa la amray Rasuulka inuu u haajiro Madiina, isaga iyo asxaabtii rumaysaba.

Waxayna tageen Madiinatul-Munawara, si fiican ayaana loogu soo dhaweeyay , Nebiga markii uu soo galay Madiina dadku waxay usafteen jidka dhinacyadiisa, iyagoo soo dhaweeynaya qaadayana Heeso , Sacab iyo Durbaan , jacayl ay uqabaan awgiisa , Heesaha waxaa ka mid ahaa :-

*طلع البدر علينا * من ثنييات الوداع*

*وجب الشكر علينا * ما دعى لله داعي*

Nabiga markii uu soo galayey Madiina wuxuu saarnaa Hal Rukuub ah, wuxuuna kudagay Guriga AbuuAyuubul-Ansaari, Nabigu wuxuu walaalo kadhigtay Asxaabtii la soo hijrootay iyo asxaabtii Madiina degnayd, oo la kala oran jiray Muhaajiriin Iyo Ansaar, halkaas ayuuna kadhisay Dowladii Islaamka,

Nabiga Wuxuu kudhintay Madiina laguna Duugay isagoo jira 63 sano , wuxuuna nooga tagay Qur’aan weyn, oo uusan imaaneyn Baadil hortiisa , iyo gadaashiisa, waxaana soodejiyay Allaha xikmadda badan ee lamahadiyo.

 

Abuu Sufiyaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker