Boqortooyada Sacuudiga Oo iibsaday kooxda kubadda cagta ee Newcastle.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Horyaalka Premier League ee dalka Britain Saudi Carabia ayaa iibsatay kooxda Newcastle United oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalkaas

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu ku kacayo ku kacaya 305 milyan oo pound, waxaana qalinka lagu duugay maanta.

Milkiilaha rasmiga ah ee Newcastle ayaa hadda loo arkaa dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman maadaama uu yahay ninka ugu awoodda badan dowladda Sacuudiga, waxaana hoostaga sanduuqa PIF ee heshiiskan la saxiixday Premier League, Newcastle United Football Club iyo shirkadda St James Holdings Limited.

Taageerayaasha Newcastle ayaa  isugu soo baxay dabbaaldeg ka dhacay agagaarka garoonka St. James Park, iyaga oo ku faraxsan heshiiskan lagu iibsaday kooxda.

Bayaan ay si wadajir ah usoo wada saareen Horyaalka Ingiriiska, kooxda Kubdda Cagta Newcastle iyo shirkadda St James Holding Limited, ayaa maanta wada gaadhey heshiiskii lagu soo afmeerey murankii la xidhiidhey kooxda, oo ay iska kaashadeen PIF, PCP Capital Partners iyo RB Sports iyo Warbaahinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker