Maxaa ka jira in Wasiiro ka Socday Itoobiya ay Kulan Xaasaasi ah Hargaysa kula Yeeshay Madaxwayne Biixi

Wefti uu Hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ethiopia Axmed Shidde ayaa soo gaadhay Xalay   magalada Hargeisa ee xarunta Somaliland.

 

Ma jiro war rasmiya oo dawladda Ethiopia ka soo saartay Booqashadda Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Ethiopia Mudane, Axmed Shidde iyo Wasiirul-dawladdaha arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanna kulan xaasaasi ah la qaateen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyagoo u gudbiyay dhambaalo iyo farriimo ay uga siddaan Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

 

 

Warku waxa uu intaas ku daray in Xubnaha Weftiga dalka Ethiopia ee uu Hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas Ahmed Shidde ay Madaxwayne  Muuse Biixi Cabdi   Raba inay Usoo bandhigaan ama ku qancinyaan Aqballaada Booqasho ay si wada-jir ah ugu yimaaddaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

 

Taasoo sida wararku sheegayaan uu Toddobaadkii hore Ay kaga Wada-hadleen Magaalada Addis ababa oo ay kulan ku yeesheen madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, taasoo wax iska badalleen markii uu Hargeisa soo gaadhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Si kastaba ha ahaatee, Weftigan uu horkacaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia ayaa la sheegay inuu Muuse Biixi u soo bandhigaan fullinta qoddobadii uu ku soo aqbalay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia, iyaddoo uu madaxweynuhu kunna khudbad sanadeedkii uu maalintii shalay uu u jeeddiyay goleyaasha uu ku sheegay inaanay suurto-gal ahayn booqasho uu Madaxweyne Farmaajo ku yimaaddo Hargaysa, hase yeeshee waxa aynu isha ku hayn doonnaa Qoddobadda ay Weftigaaasi u soo gudbiyaan iyo go’aannada uu ka qaaddo Muuse Biixi Cabdi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker