Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Imika Ayuun-bay Dhaqaaqaysaa!.

Wax badan ayaa kor iyo hoosba loo guuxi jiray oo la tilmaami jiray in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ay u baahanayd masuuliyiin isla jaan-qaadi karta oo si maskax furnaani ku jirto uga soo dhalaala gaadhitaanka Yoolka ay Ummada reer Somaliland higsanayso ee ah inay dunida ka hesho Aqoonsiga ay xaqa u leedahay.
Waxaan aaminsanahay in masuuliyiintan cusub ee haaneedka u qabtay Wasaaradu ay yihiin qaar ka midho dhalin kara Yoolkaas ay Ummadu higsanayso.
Halganka Aqoonsi raadinta Somaliland waa masuuliyad wadareed saaran muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay Mucaarid iyo Muxaafidba, waana mid ay ka middaysan yihiin Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE WADANI iyo UCID.
Waxaan ugu baaqayaa Jaaliyadaha reer Somaliland ee Caalamka dacaladiisa ku kala nool inay la shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiintan cusub.
Waxaanan Allah ka baryayaa inuu masuuliyiintan cusub ku guuleeyo hawsha Qaranku u igmaday. Si gaar ah waxaan u hambalyaynayaa Agaasimaha cusub Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale, inkasoo weli aanan arag digreetadii lagu magacaabay ee rasmiga ahayd.
Sawirrada halkan ka muuqdaa waxay kala yihiin;
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Kayd
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac
Dr Mohamed Abdilahi Duale. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibeda
Somaliland ha Guulaysto.
Qore: Kaysar Maxamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker