Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Oo Eryey Amiiro Baadhitaana Ku Bilaabay

Saraakiil ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa xilalkii  laga qaaday, waxaana ka mid ah labo xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada.

Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen.

 

Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka badhasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf.

Waxay saraakiishan wajahayaan baadhitaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga.

 

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan wuxuu garwadeen ka ahaa olole ka dhan ah musuq maasuqa ka dhaca dowladda.

Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaadhi wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

 

Si kastaba dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeynayaan in uu bartilmaameedsanayo dadka uu u arko inay caqabad ku yihiin awooddiisa.

Horraantii bishan ayay aheyd markii jornaalka Wall Street uu ku warramay in saddex sarkaal oo ka tirsan boqortooyada la xiray, waxaana kamid ahaa nin la dhashay boqor Salmaan oo la yiraahdo Amiir Axmed bin Cabdul Caziiz iyo dhaxal suge hore ,Maxamed Bin Nayef.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker