ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Q/4-aad

Nayruuska Sannadkan 2019-ka, waxa uu ku curtay Maalin Salaasaad oo Naariya, waxa la odhan jiray maalin Salaasaad, waxa ay u wanaagsan tahay in wax laga qabto arimaha ganacsiga, shaqooyinka, gardaradda, iska hor imaadka, iskaashiga, illaalinta amniga, Hamada, dhiiranaanta, beeraha, geesinimada iyo kalgacalka.

Dayaxu wuxuu ku curtay Sannadkan cusub ee 2019-ka, Burji Nariya ee Leebka iyo qaansada, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaa dayaxu uu joogo burji naariya, waxa dhici jiray shido badan, dagaalo badan, dabaylo badan, dhimasho badan, shisheeyaha oo soo bata, Cadceeda oo kululaata, madax-wareer soo bata, diraa-diraalaha oo bata, socdaalka oo bata, uurayda oo daasha, gaajo iyo cuduro badan, haddii habeenkaas dayaxu uu fadhiyo Burji Maa’I ah, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu fadhiyo Burji maa’I ah, waa sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada. Runtana Allaa Og.

Dayaxu wuxuu fadhiyey habeenka curashada Sannadka cusub ee 2019, Burji Maa’I ah ee Alleelaalaha, waxaanu leeyahay wajiyo badan oo khuseeya, dhinaca Xaaladdaha ku lug leh qaraabada, dhaqaalaha iyo dareenka fahamka degdega ah, kaasoo udub-dhexaad u ah xallinta khilaafaadka, go’aan qaadashada iyo baadhitaanada.
Marka la qaato Kalsoonida go’aamadaasi waa in la isticmaalaa taxadir badan, waxaana la dareemi doonaa wax-yaabo badan oo dabiiciya, marka la eegaayo tabashooyinka dareenka leh ee aan u muuqan karin sida fudud, kuwaas waxba lagama qaban karo, mana’lihin wixii lagu xakameyn la’haa heerarka isku-dhacyada qalafsan, balse, waxaynu jelaan lahayn in aynu haysano wixii lagu xakameyn lahaa. Runtana Allaa Og.

Dayax 23-aad: Todobaadka sadexaad ee Dayaxa:- waa qabow, wuxuu ka turjumayaa ciqaabta, sii deynta, dib u eegista, xilligan waxa faafa caadooyinka xunxun iyo la qabsiga waxa xun, waxa burbura xidhiidhadadii qadiimiga ahaa, waxaana la qabtaana waa cabir-ciqaabeed, waxaanay ku dhamaataa wadanoolaanshuhu xumaan, waana xilli-dareen aad u badan loo yeesho, lana qeexo wakhtigaas,
Dhinaca Hawlaha wanaagsan:- Waxa loo eegi jiray ururinta hawlaha shaqo ee la qabtay iyo kuwa socda, beertihii baxay in dib loo baaqbaaqo, oo dib u cusboonaysiin lagu sameeyo ama dib loo eego lana saxo wixii khaldamay.
Hadafka:- Waa xilligii lagu sameyn lahaa dib u eegis wixii khaldamay, lana hagaajin lahaa ficilada, six al loogu hello xallinta muranadii jiray, wakhtigan, waxay qayb ka tahay billowga la qabsiga caadeysiga, furniinka, walaaca, dhaleeceynta aan loo baahnayn, caadooyinka xun-xun, go’aan qaadashada, ka hortagida dareenka kicinta leh, saameynta waxyaabaha aan la rabin, xaaladdaha aan loo baahnayn, ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la sameeyo iyo daaweynta.
Waana xilli ku wanaagsan isdhexgalka, lagana baxo xaaladdaha ku imanaya hab-nololeedka iyo wadanoolaanshaha, caadeysiga, sii xoogeysiga xidhiidhka midhaha beeraha, waa xiili wax kastaaba ay sababaan cadaadis, lagamana yaabo inay sii daba dheeraadaan, waa xilli ku wanaagsan xiiritaanka timaha, qiimeynta qofeed, dhex-dhexaadinta.
Hiigsiga: Billowga shaqooyinka waa in laga saaraa caqabaaha hortaagan, waana in Alle (SW) loogu mahad-naqo sidii lagu gaadhay hadafkaas la xidhiidhay, koritaanka dhirta ka baxday beeraha iyo midhihii ka soo go’ay saracii la beeray.
Dadka habeenkaa dhasha: Waxay noqdaan kuwo wax- qariya, awood leh, maroorsade, adkaysi leh,, dareen leh, tilmaaman, xoog wax ku muquunsha, dareen badan, hal abuur leh, madax-bannaan, deeqsi, daacad ah, hawl-kar, kibirsan, dagaal badan, wel-welsan, burburiye, madax-adag, kali-taliye, maseyr badan, hamo-badan. Runtana Allaa Og.

Dhanka wanaagsan:- Waxay noqdaan kuwo dareen kicineed leh, cilmi baadhayaasha, leh dareen garasho, qurux soo jiidasho leh iyo xusuus badan.
Dhanka mugdiga ahna:- Waxay noqdaan kuwo leh ee wax-qariya, faduuli, kaligii-taliye, wax-khasba, ay yar tahay wax bixintiisu. Runtana Allaa Og. ………..la soco……………

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
Astrologist

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker