Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka hadlay xidhiidhka golihiisa iyo Beesha caalamka

Guddoomiyaha golaha Wakiillada oo ka hadlay xidhiidhka golihiisa iyo Beesha caalamka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Abdirisaq Khalif Ahmed , ayaa faah-faahin ka bixiyey Kulamo uu maalmihii u dambeeyey xafiiskiisa uu kula lahaa Dublamaasiyiin iyo wakiillo ka socday Dalalka caalamka.

Guddoomiye Khaliif, ayaa sheegay in gole ahaan soo celinayaan xidhiidhkii golaha wakiilladu la lahaa Daneeyeyaasha caalamka iyo baarlamaannnada kale ee adduunka, waxaanu yidhi “Dhowrkii Isbuuc ee la soo dhaafay, waxa aannu kullamo isdaba joog ah la qaadannaynay wufuud ka kala socota Beesha Caalamka iyo Hay’ado kala duwan kuwaas oo aan dhammaantood kala hadlaynay sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-shaqeyntii & iskaashigii Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland kala dhaxeeyey.

Waxa aannu la kulannay, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Hargeysa, Ergeyga Dawladda Norway, Wakiilka Dawladda Taiwan ee JSL, Wakiilka Dawladda Imaaraatka ee JSL, Madax ka socota Machadka Caalamiga ah ee Jamhuuriga IRI, Madaxda ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa.

Waxa aanu rejaynaynaa dhawaan in aannu soo celinno xidhiidhkii qotoda dheeraa ee ka dhaxeeyey Golaha Wakiilada & dhammaan daneeyayaasha geedi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo Baarlamaannada caalamka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker