Golaha wakiillada Somaliland oo isku khilaafay xiisadda Shiinaha iyo Taiwan.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa Si Adag uga Soo Horjeestay War Qoraala oo Uu Soo Saaray Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Golaha wAKIILADA Somaliland kaasi oo uu kaaga hadalayo Xiisada ka Dhex Taagan Taiwan iyo Shiinaha Xildhibaan Batuul ayaa Qoraal uu Soo Dhigay Bartiisa Face Book kaga Fal Celiyaay Qoraalka Guddoomiye Cali Xaamud.
Gollaha Wakiiladdu wuxu go’aamo masiir ah ku soo saara Oggolaansho goole, Shir-guddoonkuna wuxu umadda la wadaaga isaga oo gole weynaha ka Wakiil ah go’aanka goolaha.
Warqaddani maaha mid ku soo baxday go’aan goole ee waa aragti shaqsi leeyahay kumana mateli karo goole weynaha waana gef sharci oo goolaha laga galay.
Gollaha Wakiiladda looma dooran Khilaafka dhuleed ee ka dhaxeeya dawladdaha China & Taiwan, Waxas’e loo doortay ka hadalka danta dalka iyo duruufaha adag ee bulshadda Somaliland haysta. Sida: sicir bararka, Abaaraha, Arrimaha Amniga umadda taabanaya, Xadhiga muwaadiniinta iyo illaalinta xuquuqdooda, sameynta sharci iyo dhaqan galkiisa, la xisaabtanka xukumadda iwm.
dalka waxa maanta ka jira duufaano siyaasaddeed oo saameyn Amni iyo mid Umaddeedba yeelan kara waxa ay aheyd in Shirguddoonku goolaha deg deg u furo oo dood qaran laga yeesha xaaladdahan adag’e dalku wajahay ee may aheyn in meelo kale la isku qaado.
Golluhu noqon maayo Xafiis uu qofi wuxu doono ku dhex qoro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker