Guddooomiyaha Gobolka Sool Oo Uga Digay Maamulka Puntland Xad-Gudubka Uu Ku Hayo Gobolka Sool

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo uu weheliyo Maayirka degmada Laascaanood iyo Taliyaha qaybta Ciidamada Booliska ee gobolka Sool oo warbaahinta kula hadlay  magaaladda Laascaanood ayaa ka hadlay shaqaaqo ka dhacday Dooxada Garamo ee  degaanka Boocame ee gobolka Sool.

 

Shaqaaqadan oo dhex martay laba beelood oo ka soo kala jeeda gobolka Sool ee Somaliland iyo gobolka Nugaal ee Somaliya, waxaanay masuuliyiinta gobolka Sool usoo jeediyeen beelaha ay colaadu halkaas ku dhex martay in la joojiyo colaada, isla marnaa xaaladda nabadgelyo lagu soo dabaalo.

 

Masuuliyiinta gobolka Sool iyo magaaladda Laascaanood ayaa sidoo kale eedaymo u jeediyey maamul goboleedka Somaliya ee Puntland oo ay ku eedeeyeen in ay kusoo xadgubeen degaankaasi, isla markaana ay colaada dhex dhigeen labadaas beelood ee degaankaas dirirtu ku dhex martay.

 

Maayirka Degmada Laascaanood iyo Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa ugu baaqay beelaha halkaas ku dagaalamay in ay colaadda joojiyaan,iyaga oo maamul goboleedka Puntland ee Somaliyana ugu baaqay in ay joojiyaan faragelinta dhulleed ee ay dhulka Somaliland ku hayaan, madaama oo aanu dhul ka dhaxay ee dadku ay daaq wadaag yihiin.

 

Ugu dambayn badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in waqtiyadii ugu dambeeyey ay aad usoo badanayeen xad gudubyadda dhinaca dhulka ah ee uu waddo maamul goboleedka Somaliya ee Puntland,isaga oo maamul goboleedka Somaliya ee Puntland usoo jeediyey in ay nabadgelyadda ilaaliyaan,isaga oo tilmaamay in Somaliland ay tahay nabad doon,waxaanu cadeeyey in aanay dawladda Somaliland ogolaanayn marnaba in taako kamid ah dhulka Somaliland,gaar ahaana gobolka Sool  lagu soo xad gudbo,madaama hore dhulkaas loo kala xadeeyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker