Dowladda Somaaliya Oo Magacawday Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe

Dowladda Somalia ayaa guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Somalia u magacowday C/raxmaan Maxamed C/llaahi, iyadoo tani ay meesha ka saarayso hadal-hayntii ahayd in guddoomiyaha Bangiga loo magacaabi doono nin anjabi ah.

 

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa xilka kula Tartamay in ka badan boqol aqoon-yahan, kuwaasoo isugu jiray Somalia iyo Ajaanib, waxaana magacaabiddiisa ay ku soo beegmaysaa xilli ay muddo hawleedkii ka dhammaatay guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Somalia.

 

Xubnaha Golaha wasiirrada Somalia ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen maanta waxay ku ansixiyeen magacaabista guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia, kaasoo horay u ahaa la taliyaha dhanka dhaqaalaha ee xafiiska RW Somalia.

 

Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaa shirka Golaha Wasiirrada ee maanta waxay kusoo bandhigtay natiijadii kasoo baxday imtixaanaad loo galay xilka gudoomiyaha bangiga dhexe oo ay soo codsadeen 146 xubnood, taasoo ugu uu ku guuleystay C/raxmaan Maxamed C/llaahi.

 

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada DF ayaa soo jeedinta wasaaradda maaliyadda kadib waxay cod aqlabiyad leh ku Ansixiyeen in C/raxmaan oo dhaqaalaha aqoon durugsan u leh uu qabto xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

 

Dhanka kale, C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa la sheegay inuu khibrad u u leeyahay maamulka maaliyadda iyo bankiyada. Wuxuuna labadii sano ee u dambeeyay wuxuu ka shaqeynayay xafiiska RW Somalia, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha.

 

Ugu dameyn, Guddoomyaha cusub ee Bangiga Dhexe ayaa Sanadii 1986-kii ka shaqeeyey qeybta dakhli ururinta ee Wasaaraddii Maaliyadad Somalia. Wuxuuna muddo 20 sano shaqooyin la xiriira maaliyadda kasoo qabtay UK, Norway, Yemen iyo dalal ku yaalla Geeska Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker