Madaxwaynayaasha Dalalka Djibouti Iyo Eritrea Oo Wada-hadal Rasmi Ah Ku Yeelanaya Dalka Sacuudi Carabiya.

Jeddah-(OWN)-Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galinkii dambe ee Axaddii shalay gaadhay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya , saacado yar  kaddib markii heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Jeddah madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Horey looma sii sheegin booqashada uu dalka Sacuudi Carabiya ku tagay madaxweynaha Jabuuti, waxaana labadii maalmood ee u dambeysay dalkaa ku sugnaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa la filaya inuu maanta wadahadal rasmi ah la yeesho dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki , waxaana wada-hadallada ay bilow u yihiin heshiis nabadeed oo labada dal ee colaadda ay ka dhaxeysay muddada dheer kala saxiixdaan, sida ay xaqiijiyiin mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti.

Faahfaahin badan lagama helin sida uu wada-hadalka u dhacayo iyo heshiis ay labada dal gaadhaan, balse wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda Sacuudi Carabiya ku dooneyso in la isugu soo dhaweeyo waddamada gobolka,iyadoo shalay lagu saxiixay magaalada Jeddah  heshiis la sheegay inuu soo afjarayo xiisadii u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea.

Heshiis nabadeed oo ay gaadhaan Jabuuti iyo Eritrea waxaa ay meesha ka saareysa colaaddii labada dal u dhaxeysay,iyadoo sannadkii 2008-dii ay ahayd markii uu dhacay dagaalkii ugu horreeyey ee labada dal ee Jabuuti iyo Ereteriya oo ka qarxay xuduudda ay isku hayaan ilaa haatan ee Jasiiradda Doumeira. Colaaddii berrigaas billaabatay ayaa illaa iminka taagan, taasoo sababtay dagaal lagu dhammaaday maxaabiisna lagu kala qabsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker