Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo walaac ka muujiyey 35 Hablood oo ku xidhan Magaalda Gabiley

Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo walaac ka muujiyey 35 Hablood oo ku xidhan Magaalda Gabiley,

Komishanka ayaa sheegay in hablahaasi ay ku xidhan yihiin goob cidhiidh ah .

Guddida xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, ayaa isaga oo gudanayaa waajibaadkiisa Qaran waxa uu u kuuragalay hablo laga soo qabtay magaalada Borama oo ku xidhan xabsiga magaalada Gabiley.

Koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranku waxa uu walaac ka muujiyay in hablahan ku jira xabsiga qayb ka mid ahi ku jireen imtixaankii jaamacada, waxaa kale oo ay intaas ku dareen in goobaha ay seexanayaan ay cidhiidhi ku tahay.

Sidoo kale koomishanku waxa warkan ay soo saareen ay ku sheegeen in hablahan tiradoodu dhan tahay 35 hablood, kuwaas oo laga soo xidhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyada oo ay sabab u ahayd xadhigooda in ay xidheen calanka Soomaaliya.

Dhanka kale koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranku waxa uu xusay in hablahan oo la soo xidhay 26/6/2021 aan illaa hadda maxkamad la horkeenin.

Warkan ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland  ayaa u dhignaa sidan.:—

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker