Madaxweynaha Iran oo taageeray dhigiisa Ruushka

Wax yar uun ka hore waxaan ,maqalnay inuu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wada hadal qadka taleefanka ah la yeeshay dhiigiisa “sida buuxda u taageersan” ee Iran, Madaxweyne Ibraahim Raisi.

“Madaxweynaha Iran wuxuu muujiyey taageerada buuxda ee uu u hayo hogaanka Ruushka ee ku aaddan dhacdooyinkii 24 saac ee u dambeeyay ka dhacay ruushka,” ayaa lagu yiri bayaanka Kremlin-ka.

Iran ayaa horaan iska fogeysay in ay Ruushka u daabushay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si loogula dagaalamo Ukraine ka dib markii uu sidaas ku eedeeyay Madaxweynah Ukraine Volodymyr Zelensky.

Maraykanka ayaa ku doodaya in Iran ay hadda tahay taageeraha ugu weyn ee Ruushka ka caawinaya dhanka Milatariga.

Iran iyo Ruushka ayaa sidoo kala kawada hadlay sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn dhow oo ku aaddan ganacsiga, tamarta iyo gaadiidka, iyo sidoo kale Suuriya iyo dejinta xaaladda gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker