“Waan aamini la’ahay inaan gaadhi ku wado gudaha Sucuudiga”Haweenka Sucuudiga oo loo ogolaaday wadista Baabuurta

Roa Altaweli oo markii ugu horreysay gaadhiga ku waday gudaha Jeddah, Saudi Arabia
Kaddib markii laga qaaday xayiraadda haweenka wada gawaadhida ee ku nool Sucuudiga ayaa haweenayda lagu magacaabo Roa Altaweli, oo ah umuliso ku nool magaalada Jiddah ay markii ugu horreysay shaqada ku tagtay gaadhigeeda. Iyada ayaana ka sheekeynaysa.

Haweenka Sacuudiga oo ku faraxsan wadidda gawaarida ee loo fasaxay

Waxaan soo kacay ka hor xilligii aan kici jiray markii ugu horreysay ee aan maqlay in xayiraadda la qaaday .Aad ayaana u faraxsana oo waan seexan waayey .Waxaa ii suurta gashay inan shaqada gacantayda isku geeyo markii ugu horreysay.Waxaana aamini la’ahay inan gaari ku dhexwado gudaha Jiddah.

Sucuudiga ayaa ugu dambayntii xayiraadda ka qaaday haweenka gawaaddida wada. Habeenkii oo dhan ayaan baraha bulshada ku jiray si aan u daawado sawirada iyo muuqaalada haweenka jidadka ku wado gaawadida daqiiqado un kaddib markii xayiraadda la qaaday.

Markii ugu horreysay waxan dareemay cabsi balse aabahay ayaa i wehliyey oo aan ka helay taageero badan.

Waxan horay usii maray xarunta booliska ,balse kama aan cabsanaynin inay i xidhaan. Hadda waxan haysta ruqsad waxaana si sharci ah gaadhigayga ugu wadayaa gudaha Sucuudiga.
Waxaan horay gaadhi ugu wadi jiray markiii aan jaamacadda ka dhiganayey dalka Bahrain oo aan ka helay ruqsad aan ku wado gawaadhida tan iyo 2005-dii. Waxan sidoo kale helay ruqsado caalami ah oo aan isticmaali jiray marka aan fasaxa u joogo Dubai, Portugal iyo Mareykanka.

Aabahay iyo walalkay ayaa igu dhiira geliyey iyo walashay iga yar si aan u heli ruqsad oo aan gaadhigayga u wado marka xayiraaddda la qaado.

Haweenka Sacuudiga oo ku faraxsan wadidda gawaadhida ee loo fasaxay
Waxan ahay umuliso , oo aan ooga soo taqasusay Jaamacad ku taalla Ingiriiska. Yurub iyo wadamada kale ee hormaray aad ayey muhiim ooga tahay inay umulisooyinka ka xeystaan gawaadhida maxaa yeelay waxay u baahanyihiin inay si joogta ah u booqdan isbitaalada.

Markii Sacuudiga laga ogolaaday inay haweenka ku dhali karaan guryahooda, arrintan ayaa haweenka ka caawinayso inay guryahooda ku dhalan iyagoo ay si fudud umuliso ku heli karo.Wadidda gawaarida ayaa haweenka caafimaadka ka caawinayso inay tagaan isbitaalada xilli walbo .

Markii aan tagay isbitaalka ku yaalla bariga Jeddah ee ah xarunta aan ka shaqeeyo ma jirin cid ila hadashay.

Weli ma’anan gaarin meeshii aan rabnay ,balse waxan dareensannay inay tani awood na siinayso. Waxay noo ahayd taariikh ,waxayna u muuqataa inay taariikh gooni ah u leedahay dumarka u dhashay Sacuudiga.”

XIGASHO: BBC NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker