Gudoomiyaha Ururka ONLF oo ka Warrbixisay kulankii ay la qaateen Axmed Madoobe

Muqdisho (OWN) – Hoggaamiyaha Ururka ONLF, Cabdiraxmaan Maadey oo la hadlayey waraabinta ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulankii uu dhowaan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaame (Madoobe).

Maadey ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa mid is xog wareysi ah, islamarkaana looga hadlayey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Jubbaland.

 

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulkaasi, kaas oo cuuryaamiyey wada shaqeyntiI labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kula taliyeen, Axmed Madoobe in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland.

 

Cabdiraxmaan Maadey guddoomiyaha cusub ee hoggaanka ONLF ayaa sidoo kale ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad kala af iyo diin ah ay ku mideysanyihiin hal dowlad islamarkaana looga baahan yahay Soomaalida inay ka shaqeeyaan horumarkooda.

ONLF oo muddo dagaal jabhadadeed kula jirtay dowladda federaalka ee dalka Itoobiya ayaa hadda isu bedashay urur siyaasadeed, kadib markii ay heshiis la gashay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker