Hargeysa Maad baa ka taagan!

Muwaadin reer Hargeysa ah, oo dalalka reer Yurub sadex dal oo kamid ah, kaga diiwaangashan qof aan xiskiisu dhammayn, oo isla bukaannimada caynkaas ah dalalkaasi dhaqaale ku siiyaan; ayaa kamid noqday Mudanayaasha kusoo baxay doorashadii golaha deegaanka Hargeysa.
Arrinta xiisaha lihi waxay tahay, isla ninkii ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Maayarka Hargeysa. Waxaa qosol iyo maad ka taagan yihiin, ninkani wuxuu taagan yahay, oo ku dooddayaa in dhakhtarkiisi Yurub ku dabiibi jiray, hore ugu sheegay inuu Madax noqon doono, madaxnimadiina ay maanta ugu dhowdahay taasoo ah maayarnimada Hargeysa!!!
Iminka Hargeysa waxaa loo garnaqayaa Ninkii Shacabweynaha Hargeysi ay Maayarnimada u doorteen Abdikarim Ahmed Mooge iyo ninkan digtoorkiisi reer Yurub dawada kusiin jiray inuu Yurub xukumi doono haddii uu dawada si fiican u liqo.
Waxaa intaa sii raaca, Maayarkii hore, oo isna lasoo taagan, “Dawladnimada ayaan soo bartay shantii sanadood ee aan xafiiska joogay. Sifiican baan u kala bartay xajmiga qashinka Caasimada dhexyaal maanta, taasoo aan hortay cidiba war ka hayn, markaa walaalayaal aqoon-korodhisigaa shanjirsaday dartii iyo anigoo og inaan soo fiicnaan doono awgeed iigu celiya markale”.
Hargeysa waali waxaa ugu filan intii hore! Kafaa!

 

Abdirisaq Terra

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker