Doorashaddii Golaha Wakiiladda iyo Deegaannadda 2021 W/Q Ibrahim-Hawd

Tubta loo maro dawladnimada casriga ahi aad bay u kulushahay, duruusta la gu bartaana aad bay u adag tahay. Dadyowga dawladnimadu u hirgashay ee u xasishay taa ku ma ay helin si fudud wax ay se u soo galeen halgan maskax iyo muruqba leh. Wax ay soo mareen loollan, legdan iyo dagaallo ba’an oo ka dhex dhacay dabaqadaha, diimaha iyo aragtiyaha. Waxaa la dajiyay aqoono baaxad leh iyo falsafado la gu baadho dawladnimada, maamulka, sharciga, caddaaladda, akhlaaqda, culuunta bulshada, culuunta nafsiga, culuunta nafsiyadda bulsheed, taariikhda, dhaqaalaha iyo qorshaynta iyo aqoono kale oo loo adeegsado helista habka u gu suubban ee bulsho ku wada noolaan karto danta guudna ku wada maamulan karto, ilaa ay soo gaadheen halka ay maanta marayaan. Haa, halkaa ayay maanta marayaan laakiin hayaankii iyo legdankii weli wuu socdaa, wax uu se u socdaa si nabdoon oo xikmad, xeer iyo xakame leh. Wax wal oo la gu ka la duwan yahay xalkooda waa la caqliyeeyaa, danaha la ka la riixanayana sharci iyo heshiis baa la gu ilaaliyaa, mana jirto cid waxa ay doonto yeeli kartaa.
Khibaradda ama waaya’aragnimada la soo maray waa arrinta u gu waxtarsan ee la dheefsado kolka ay tahay maamulka dawladda, waana qodobka la odhan karo dhab ahaan waa asaaska dawladnimada Yurub ee guulaysatay. Waa ta asalka u ah nabadda dal walba gudihiisa ka jirta, waa ta xasilisay soohdimaha dawladaha u dhexeeya, waa ta xorriyadda dadka iyo dimuqraadiyadda dhistay, waana ta maamul wanaagga iyo anshaxa siyaasiga layliday ka dib is gumaysi dheer iyo colaado ku dhammaaday Dagaalladii Kowaad iyo Labaad ee ay ku halaagsameen. Xaqiiqada ay taariikhda ka barteen waa in aan dawlad dimuqraaddi ah dadkeedu is layan karin, laba dal oo dimuqraaddi ahina dagaallami karin, waayo waxaa la gu go’aan qaataa siyaasad xakamaysan iyo talo wadareed, aan ahayn golakafuul, nintoocsi iyo damaca kelitaliye waalan.
Soomaalilaand 30-kii sannadood ee ay jirtay waxii soo dhacay wax badan bay ka baran kartaa xumo iyo samo. Dagaalladii sokeeye maxaa keenay? Nabaddii dagaalladaa la ga qaatay iyo axdigii la galay maxaa ka qaldamay? Dimuqraadiyaddii iyo hannaankii xisbiyada badan maxaa qabiil u rogay? Dastuurkii codka dadweynaha la gu ansixiyay maxaa loo gu dhaqmi waayay? Xisbiyadu dhab ahaan sharci ma ku dhisan yihiin, in ayna ku dhisnayn se maxaa keenay? Maxay caado u noqotay doorashooyinka dastuuriga ah ee muddaysan in waqtigooda la qaban waayo intii la doonana la is ka korodhsado? Maxaa mid qudha ka dhigay hay’adihii qaranka ee ay ahayd in ay is ilaaliyaan ee taladii iyo awooddii oo dhan gacanta u galiyay madaxweynaha? Maxaa loo jidaystay musuqa iyo ku takrifalka awoodda oo loo waayay maalin qudha masuul la la xisaabtamo oo sharciga la hor keeno? Maxay ku dhacday in qofka awood lihi muwaaddinka is ka xidhi karo marka uu doono taana loo arko wax caadi ah? Qof masuul ah oo xil qaran u dhaartay yaa u banneeyay in uu dadka ka la qabyaaladeeyo? Ma jirtaa, asalkaba, awood madaxweynaha la xisaabtami karta ama ka joojin karta falalka aan sharciga iyo anshaxa ahayn? Intaas oo wayddiinood jawaabahooda wax ay ahayd in aynnu ka baranno soddonkii sano ee ay innagu dhacayeen, haddii wax la ga baran lahaana maanta waa la ga bixi lahaa.
Sababta u gu weyn ee aynnu waaya’aragnimada u ga faa’iidaysan waynay, dhibaatooyinkan mar walba ina hor taaganna u ga gudbi waynay, waa innaga oo aan lahayn weelayn, xarumo wax daraaseeya iyo aqoon hawlahan ka shaqaysa oo dadka barta talooyinna ka soo saarta, haba yaraatee. Ma jiro dunida dal dawladnimadu u hagaagtay oo aan lahayn xarumo daraasadeed iyo khubaro soo saarta aqoon siyaasigu ku shaqeeyo arrimaha debedda iyo gudaha, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha ijtimaacigaba. Dawladda casriga ah siyaasigu sidiisaba wax uu fuliyaa aqoon la soo dhisay oo diyaarsan, ee ku ma hawlgalo golakafuul iyo sida ay isaga la noqoto.
Doorashadan u dambaysay maxaynnu ka barannay haddaba? Wax aad u badan oo haddii aynnu ka faa’iidaysanno mugdiga innaga saari kara ayaynnu ka barannay. Waa mar ee, waxaa yarayd amaba aan jirin faragalinta xukuumadda, kaas oo ah qodobka u gu muhiimsan. Faragalin la’aanta xukuumaddu wax ay keentay in doorashadu u dhacdo si xasilloon, si dadweynuhu codkiisa kalsooni ku qabo, si leh niyadsami iyo qanaaco iyo u gu dambayn si aanay jirin cid natiijada ka cabatay. Halkaa waxaa markii kowaad ku ka la asturmay qabiilooyinka iyo maamulka, dhanka kalena codbixiyaha iyo koomishanka. Xaaladdani wax ay si walba u ga duwanayd doorasho ku sheegtii madaxnimada ee sannadkii 2017 taas oo si walba iyo heer kasta u faddaraysnayd, ay u gu darnayd awooddii dawladda oo qabiilooyin la gu abaabulay loo guna adeegay iyo dawlado dimuqraadiyadda la dagaallama oo Kulmiye maalgashaday si doorashada loo fawdeeyo halka dalalkii dawladnimada innaga caawin jiray la fogeeyay, taas oo ay dheerayd fawaaxishtii la ogaa ee goobaha codaynta ka dhacday, wax ayna dishay idil ahaanba kalsoonidii iyo niyadsamidii umadda. Taa beddelkeeda ayay ahayd doorashadan dambe ee Wakiillada iyo degaannadu.
Iyada oo sidaa ah tan qudhoodu ma wada ceeb la’ayn. Muuse Biixi waa kii si badheedh ah awoodda qaranka u gu adeegsaday ka la xulashada murashixiinta qabiilkiisa, isaga oo xoog iyo xabbis ku reebay nin wal oo uuna isagu doonayn, taas oo si walba u ga soo horjeedda sharciga iyo anshaxa doorashada. Si taa la mid ah waa kii umadda ku sandulleeyay Riyaraac oo aan buuxin shuruudihii heshiiska la gu ahaa ee ahayd in xubinta Koomiskanka Doorashooyinku ayna siyaasadda iyo xisbiyada meel ka ga jirin. Dadka Ina Biixi ku ammaanaya in uu qabtay doorasho xor ah oo xalaal ah wax ay daliishanayaan in uuna awoodda qaranka doorashada ku boobin sidii 2017. Taasi wax ay ina tusaysaa garashada iyo akhlaaqda wax la gu qiimaynayo hoosayntooda, waayo xaqeennii dabiiciga ahaa iyo sharcigii asaasiga ahaa baa la ga dhigayaa ixsaan la inoo falay iyo fadli la innagu sadaqaystay. Waa ka la garasho la’aanta xaqa iyo baaddilka oo la mid ah in aad nin aad shaqo u diratay ku ammaanto in uuna ku dilin iyo in uuna xoolihii aad u dhiibatay kaa boobin dabadeed adigii ku gu dulmiyin.
Waaya’aragnimada xun ee aynnu doorashadan ka helnay waxaa ka mid ah tirada codaynta oo aad u ga yarayd intii suuragl noqon lahayd. Tirada dadka Soomaalilaand ku dhaqan haddii la yareeyo waa saddex milyan iyo badh, haddii la badiyana waa afar milyan. Sida yar haddii aynnu u daynno hal milyan baa ahaan kara carruur aan qaangaadhin, laba milyan iyo badh baana codayn lahaa. Imisa ayaa se codeeyay? Hal milyan iyo badh baan codayn weeye macnuhu. Awalba waxaa kaadhka codaynta qaatay dad wax yar ka badan hal milyan, intiina qayb weyn oo ka mid ahi ma ay codayn. Tusaale ahaan gobolka Togdheer xitaa dadkii kaadhka qaatay toddobaatan kun baan codayn.
Tirada yar ee codbixintu xiise gaar ah ayay lee dahay waayo wax aynnu og nahay heerka xamaasadda iyo ficilada uu reer waliba jecel yahay in aan la ga tiro badan iyo in reer waliba inankiisa soo saaro. Markaa waa in aad la isu wayddiiyaa waxa dadka ku dhacay ee ay kaadhka u qaadan waayeen intii qaadatayna u codayn wayday.
Jawaabta taa loo heli karo waxaa ii la mudan afar:
1. Dadka maskaxdooda iyo dhaqankooda weli waxaa saamayn xun ku leh fikirkii Wahaabiga ee jabay kaas oo muddo dheer dadka barayay in doorashadu xaaraan iyo baaddil tahay. In taasi jirto waxaa caddayn u ah degaannada fikirka Wahaabigu ku xooggan yahay boqolleyda codayntu aad bay u hoosaysaa, tusaale ahaana Burco. In quluubta iyo maskaxda dadka la ga xalo xagjirnimada iyo argagixisannimadii Wahaabigu ku shubay waa hawl qaran oo ay tahay in la bilaabo barbaarinta, waxbarashada, wacyigalinta iyo ka warhaynta goobaha diinta la gu barto iyo waxa dadka la baro.
2. Qayb weyn oo bulshada ka mid ahi weli waa reer guuraa, noloshoodana dawladnimada iyo doorashadu ma saameeyaan, sidaa darteed dan ka ma leh. Dadkaasi ma helaan wax dareensiiya dawladda iyo doorashadu in ay noloshooda macne u lee dahay, waayo waxtar ka ma arkaan ee xoolahooda uun baa cashuur baad ah la ga qaadaa. Sidoo kale reer guuraaga waxaa ka fog goobaha codaynta, qofkuna isu kallifi maayo meel daran iyo wax aan dantiisa ahayn in uu u dhalandhoolo. Sidaas buu ahaanayaa arrinka reer miyigu ilaa dawladdu waxtar u yeelanayso oo ay arkayaan masuuliyiin u hadlaya xaqooda iyo xoolahooda.
3. Qayb kale oo bulshada ka mid ahi wax ay qabtaa quus iyo niyadxumo ku saabsan dadka la doorto iyo guud ahaanba dadka dawladda ku jira, kuwaas oo ay u arkaan tuug iyo khayrlaawayaal Ilaahay iyo caddaaladdaba ka fog, markaa qofku wax uu is lee yahay dembigooda ka fogow yaadan ku aakhiro seegine. Dadkan niyaddooda waxaa u dawo ah in la tuso masuuliyiin daacad u ah dalka iyo hawlaha loo diray.
4. Fadeexadda u gu weyn ee doorashadan ku jirtay waa in aan gebi ahaanba la ga codayn Sanaag Bari, degmooyin Sool ah iyo Buuhoodle. Gaar ahaan qabiilka Warsangali ku ma laha wakiillada cusub xildhibaan qudha oo matala, taana eeddeeda waxaa leh cidda dalka haysata ee dharaar la wada ogaa qabiilkaa af cad ku tidhi ”taga oo is wada raaca awalba cashuurtayada ayaad cunayseene”. Ma jirto cid ka la xisaabtantay hadalkaa iyo dhaqan xumooyinkii la midka ahaa ee bulshadaa la gu fogeeyay ee Soomaalilaand la ga ga xigsaday la guna nacsiiyay.
Intaas oo qodob xal bay u baahan yihiin haddii la doonayo Soomaalilaand la wada lee yahay la guna wada lee yahay matalaad iyo xuquuq siman.
Dhanka kale, 82 xildhibaan ee Wakiillada in aan mid keli ahi dumar ahayn waa arrin foolxun. Wax aan ka mid ahaa dadkii rajada ka qabay u gu yaraan dumarka in cidi ka soo baxdo, gaar ahaan Sucaad Carmiye oo muujisay karti iyo maskax ay ku mudnayd in la doorto, soo bixideeduna wax ay sabab u noqon lahayd duminta derbiga adag ee dumarka ku hor gudban, sidii Barkhad u dumiyay derbigii haybsooca, se nasiib xumo ma ay noqon. Sababtu iyada oo fudud waa bulshada oo weli wax ku dooranaysa qabiil, gabadhana loo ma arko in ay qabiil matali karto. Maalinta qabiilka la ga gudbo oo keliya ayay suuragal noqonaysaa in aan murashaxa nin iyo naag loo eegin ee loo eego in uu hawsha ku habboon yahay. Inta taa ka horraysa waxaa loo baahan yahay baarlamaankan cusub ee la doortay in uu sharciyeeyo qoondo dumarku ku soo bixi karaan doorashada iyo mid kale oo ay tiro cayiman oo xilal ah ka ga qabtaan xukuumadaha. Dumarka qudhooda ayuu se si gaar ah u saaran yahay waajibka ah in ay wacyiga bulshada koriyaan iyaguna siyaasad ahaan is abaabulaan.
Khayrka doorashadani lahayd waxaa ka mid ah markii kowaad dadka la soo doortay in ay u badan yihiin dad waxbartay oo weliba da’doodu yar tahay, halkii ay awal u badnaayeen qaaqlayaal suuqyada la ga soo kaxeeyay iyo odayo casri jaahiligii ka soo hadhay. Xaqiiqo ahaan tani wax ay ku timid naca la nacay dadkaa sannadaha badan labada gole dhex yuuryuururay ee dhaqan xumada siyaasadeed oo dhan aabbaha u ahaa. Soo bixidda Barkhad Jaamac Batuun waa figta guusha doorashadan dhinac walba, run ahaantiina waa darbi adag oo dumay. Waa arrin muujinaysa umaddu si wal oo qabyaalad iyo budhcadnimo loo gu dulleeyay in dunteedu nooshahay ilbaxnimadeeduna kortay. Waana hubaal oo dhowaan aan fogayn sidan baa noqon doonta dhaqanka cusub ee wax la gu doorto; in murashaxa la gu xusho tayadiisa iyo matalaaddiisa dhabta ah ee bulshada.
Haddaba xildhibaannada cusub waxaa saaran gudashada waajib umaddu muddo dheer u oommanayd oo ah dhaqangalinta dastuurka la tuuray, islaaxinta dawladnimada faasidday, la xisaabtanka iyo xakamanaynta xukuumadda baxdowga ah, wakiil ka noqoshada dhabta ah ee danaha dadka, in aan mar dambe la maqlin doorasho waqtigeeda la ga sagsaago, iyo u gu dambayn waxa la ga yeelayo Golaha Guurtida ee dhaxaltooyada noqday. Wakiillada cusub waxaa loo ga baahan yahay in ay sharciyo cad ka soo saaraan waxa qofka masuulka ah u bannaan iyo waxa ka reebban si loo ga badbaado anshax xumooyinka iyo xadgudubyada ay dadka awoodda lihi maalin walba ku kacaan, af iyo addinba. Xildhibaannada cusubi ha qaateen koorasyo iyo siminaarro degdeg ah oo ay ku baranayaan masuuliyadaha wakiilnimada iyo sida taa loo guto.
Gunaanadkii, doorashada Wakiillada iyo degaannada ee 2021 wax ay ahayd tii u gu hufnayd abid ee Soomaalilaand iyo gayiga Soomaalida oo dhan ka qabsoontay, mahaddeeda iyo ammaanteedana waxaa leh cid wal oo qayb ka ahayd ay u gu horreeyaan dadweynaha iyo Koomishanku.
W/Q Ibrahim-Hawd Yuusuf Axmed.

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker