XUKUUMADA IYO SADEXDA XISBI QARAN MAAHA IN AY KU KALIYEYSTAAN ARIMAHA DOORASHOOYINKA MAADAAMA LAGU JIRO MARXALADO KALA GUUR AH …..

XUKUUMADA IYO SADEXDA XISBI QARAN MAAHA IN AY KU KALIYEYSTAAN ARIMAHA DOORASHOOYINKA MAADAAMA LAGU JIRO MARXALADO KALA GUUR AH OO AXSAABTA LAFTOODANA AY MUDADII 10 SANO AHAYD EE LA DOORTAY GABAABSI TAHAY !!
Somaliland waxa uu dastuurka Jamhuuriyadu qodobkiisa 23naad siiyey muwaadiniinta in ay isku habayn karaan ururo , kuwaasi oo ay ka mid tahay siyaasadu , sidoo kale waxa si cad u qeexay in 10 kii sanadoodba hal mar la furo tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta Somaliland ee Xeer No/14 2011.
Haddaba muwaadiniinta Somaliland ee fursadaha siyaasadeed uu dastuurka dalku u damaanad qaaday waxa ay u baahan yihiin in loo ilaaliyo oo aan laga laalin xaq sharciga dalku u damaanad qaaday muwaadiniinta reer Somaliland in ay helaan haddaba ;

Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu ugu baaqayaa xukuumada iyo axsaabta siyaasada Somaliland in aanay kaligood ku aheyn arimaha doorashooyinka qaranka Somaliland qaybo ka mid ah oo shacbiga Somaliland ka yihiin daneeyeyaal ilaashanaya fursadaha iyo xuquuqahooga siyaasadeed .
Hadii aynu soo qaadano hal tusaale axsaabta siyaasada Somaliland iyo xukuumadu waxa kaliya ee ay ka heshiin karaan waxii aan laalayn ama wax u dhimeyn xuquuqaha siyaasadeed ee muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland, tusaale ahaan waxa badhtamaha sanadka 2021 xeerka nidaamka ururada iyo axsaabtu Xeer No/14 2011, dhigayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo furashadii ururada siyaasadeed, maadaama la gaadhay 10 kii sanadood ee sharcigu tilmaamay in hal mar dib loo furo tartankaasi.
Iyada oo aynu ognahay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo doorasho la’aanta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ku habsatay 15 kii sanadood ee ugu dambeeyey, oo ku abuuraysa dadka Somaliland rajo beel da’yarta Somaliland na mustaqbalkoogii mugdi galinaysa , isla markaana sumcadii uu qarankani aduunka ka kasbaday dhaawacday.
Sidaasi oo kale waxa ay axsaabta siyaasada Somaliland fulin kari waayeen shuruucda iyo shuruudaha ee xeer 14 qorayo , waxaana aad moodaa in asnay jirin cid ku ilaalisa sharciyada oo ay dabarka goosteen , taasi oo maanta sababtay in shacabka Somaliland badankiisu doonayaan in ururadii siyaasada dib loo furo.
Waxa lagu jiraa xili loo baahan yahay isbadel siyaasadeed iyo darmada la fidiyo si soomaaliland usii haysan karto kaalinta xasiloonida siyaasada, kaalinta dimuqaradiyadeed , sumcadii aduunka iyo ku sabida shacbiga Somaliland rejada iyo mustaqbalka wanaagsan ee qarankan loo rajeynayo oo ah mid umada Somaliland 60 sano halgan dheer ugu soo jirtay.
Waxa siyaasada Somaliland dibada ka jooga 60% dadkii ay bulshadu u baahnayd oo ay ugu mudan yihiin haweenka iyo dhalinyaradu oo raadinaya xuquuqdooda siyaasadeed iyo kaalintii hogaamineed ee ay qarankan ku lahaayeen, iyaga oo aad u eeganaya fursadaha sharcigu siiyey , loona baahan yahay in la iska xilsaaro.
Waxa iyaguna jira in dadka Somaliland xiligan u baahan yihiin isbadel siyaasiya oo macnoweyn kaasi oo la gaadhay xiligii laga fekeri lahaa 30 soddonka sano ee soo socda qorshaha uu qaranka Jamhuuriyada Somaliland ku waajihi doono maadaama oo ay hal sano ka dhiman tahay soddon sano oo aanu qarankani caalamka ka helin aqoonsi caalamiya .
Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu u soo jeedinayaa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muse Bihi Abdi iyo Axsaabta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid in ay xil iska saaraan in ay muwaadiniinta Somaliland u ilaaliyaan xuquuqahooga siyaasadeed isla markaana lagu talo gallo xiliga ururada la furayo.
Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu sugayey iskuna diyaarinayey ilaa badhtamihii sanadkii 2019 in uu ka qayb galo tartanka ururada iyo axsaabta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee 2022 oo u baahan in wadada loo sii xaadho lana xanaftiro wax kasta oo caqabad ku noqon kara suurtagalnimadiisa.
Waxa aanu soo dhaweynaynaa in laga heshiiyey khilaafyadii gudiga doorashooyinka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, walow aanu urur ahaan isweydiinayno sida ay labada gudi doorasho isaga hoos shaqeyn doonaan , xiliga ay doorashada wakiilada Somaliland qabsoomi doonto maadaama oo ay tahay ta kaliya ee aan wax u dhimeyn hanaanka geedi socodka dimuqaradiyada Somaliland oo tacab badani soo gallay , isla markaana laga yaabo in aanay khal-khal xiliga ah iyo mid sharci kale waxyeelaya inagu keenin , walibana ay tahay ta mudo dhaaftay 10 sanadood xiligii u asteysnaa.
Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu u soo jeedinayaa dawladaha aduunka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka in ay dhawaqa iyo tabashada muwaadiniinta iyo shuruucda Somaliland u dhago nuglaadaan , isla markaana marka la soo gaadho marxaladahan kalaguurka ah ee axsaabta siyaasada xiligoodii la doortay ee 10 sano ahayd gabaabsi yahay aanay kaligood wax ka qaadan ee bulshada rayidka ah iyo ururada u diyaar garoobaya doorashooyinka dambe laga talo galiyo arimaha doorashooyinka.

@Xisbiga Dadweynaha Somaliland

Somalilandpeoplesparty

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker