Qaraxyo Xoogan oo Gilgilay Wadada Maka al Mukarama ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho (OWN) โ Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo miino oo saaka Aroortii laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaaย lagu soo warramayaa in lala eegtay Kaamirooyinka CCTV ee ay laamaha Ammaanka ku xidheen jidka Maka Al-Mukarama.
Illaa shan qarax ayaa la sheegay in lagu burburiyey qaar ka mid ah Biraha Dheedheer ee lagu xidhay Kaamirooyinkaasi, kuwaas oo ku yaalla inta u dhexeysa isgoysyada Dabka & Sayidka
Dadkaย Reer Muqdisho, gaar ahaan kuwa degan hareera jidka dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa salaadii subax mar qudha ku soo toosay dhawaaqa culus ee kasoo yeedhayaย qaraxyadaasi.
Sidoo kale wararka aya intaasi ku daraya in qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed.
Laamaha amniga ee dowladda federaalka ma warin wax khasaare nafeed oo ka dhashay miinooyinkaasi, marka laga reebo waxyeelada soo gaartay Kaamirooyinka.
Waa markii labaad oo qaraxyo lagu burburinayo Kaamirooyinka ay dowladda ku rakibtay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Kaamirooyinkaan oo ah kuwa qarsoon ee loo yaqaano CCTV ayaa laamaha amnigu waxa ay ugu talagaleen inay kula socdaan dhaq dhaqaaqa isgoysyada qaar ee Caasimada, si ay qeyb uga noqdaan howlaha sugida amniga oo ay wadaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed