Guddoonka baarlamanka Kenya oo go’aan ka gaadhay Xildhibaanadii tegay Xamar
Nairobi (OWN) – Guddoonka Baarlamanka dalka Kenya ayaa go’aan ka gaadhay xildhibaanadii dhowaan u safray magaalada Muqdisho ee doodda badan ka dhaliyey dalkaas
Afhayeenka baarlamanka Kenya Justin Muturi ayaa sheegay in xildhibaanadaas aan wax ciqaab ah la marin doonin.
Muturi ayaa sheegay in inkasta oo xildhibaanada ay jebiyeen qodobka 260 ee xeerka baarlamanka, oo dhigaya inay safarada dibedda kusoo war-geliyaan guddoonka, haddana uusan jirin sharci dhigaya in la ciqaabo.
“Ma jiro wax sharci ah oo qeexaya in la ciqaabo xildhibaanada aan afhayeenka kusoo war-gelin safaradooda, balse waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan qodobka lixaad ee dastuurka,” ayuu yidhi Muturi oo ka hadlay kulankii baarlamanka ee shalay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo 25-kii Februaryo la kulmay Hogaamiyayaasha Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida ah .
ayaa u qabtay 14 maalmood, si ay ula yimaadaan Xal wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka amni-darro iyo falalka Argagixiso ee ka jira gobolka.