Golaha Ammaanka oo war ka soo saaray khilaafka doorashada Somaaliya

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muujiyay sida qotada dheer ee ay uga walaacsan yihiin sii socoshada jahwareerka siyaasadeed iyo khilaafka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan qaabka doorashada loo qabanayo

Golaha Ammaanku ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay dib u milicsadeen horumarka baaxadda leh ee laga sameeyay tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya, taasi oo ay ka mid tahay dadaalkii lagu bixiyay amniga, dimuqraadiyadda,isbadalka siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan cafinta deymaha.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho uu guuleysto.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in heshiiskii 17 September uu wali yahay gundhiga kali ah ee ay wada tageersan yihiim dowladda fedaraalka iyo maamul goboleedyada.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midobey ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda inay diidaan wax walba oo rabshado iyo iska horimaad keeni kara islamarkana wadaxaajoodyada sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo soo cusbooneyso iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay gacan siiso Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa waxa ay sidoo kale bogaadiyeen go’aankii ka soo baxay golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika iyo urur goboleedka Igad.

Xubnaha Golaha Ammaanku ee Qaramada Midoobey waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafka taagan ee ku saabsan qaabka doorashada uusan kaliya minjaxaabinayn horumarka iyo dadaalada la sameeyay, balse sidoo kale uu isha ka weecinayo dhibaatooyinka culeyska leh sida fatahadaha, abaaraha, ayaxa, dhibaatada COVID-19, iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Bayaanka ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ugu dambeyntii mar kale lagu cadeeyay in qaramada Midoobey ay xushmeynayso madaxbanaanida siyaasadeed, midda dhuleed iyo waliba midnimada Soomaaliya.

Hadalka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalinti shalay ahayd ay golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ay cambaareeyeen mudda kordhintii ay golaha shacabka u sameeyeen madaxwayne Farmaajo islamarkana ay ku baaqeen in wadaxaajoodyada dib loo bilaabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker