Talyaaniga: Boqollaal muhaajiriin ah oo weli ku xanniban doontii ay ku yimaadeen

Afar boqol oo qof oo saarnaa doon kalluumeysi oo ku sugan xeebta koofureed ee Talyaaniga ayaan weli la soo badbaadin, in ka badan labo maalmood kaddib markii dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay qeylo-dhaan direen.

Doonta, oo la rumeysan yahay inay ka soo shiraacatay magaalada Tobruk ee Libya, ayaa waxaa shalay raacay ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Balse xaaladda gudaha doonta ayaa ah mid aan wanaagsaneyn.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in xaalado adag oo badda ah ay saameeyeen dadaallada samatabixinta.

Doonta waa mid ka mid ah labo doomood oo siday muhaajiriin kuwaasoo haatan ay caawinayaan ilaalada xeebaha Talyaaniga. Doonta labaad ayaa sidday ilaa 800 oo qof.

Ilaalada xeebaha dalkaas ayaa hore usoo badbaadiyay ilaa 2,000 oo qof howlgal kale oo ay sameynayeen tan iyo Jimcihii, kaddib markii tiro doomo ah ay gaareen jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa, oo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay tagaan dadka doonaya inay gaaraan Yurub.

Ugu yaraan labo muhaajiriin ah ayaa dhintay iyadoo qiyaastii 20 kale la la’yahay kaddib markii doontooda ay quustay habeenkii Sabtidii, sida laga soo xigtay hay’adda aan faa’iido doonka ahayn ee Jarmalka laga leeyahay ee ResQship

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker