Madaxweynaha Ruushka Oo Sheegay Tallaalka Ruushka In Laysku Haleyn Karo Sida Qoriga AK 47.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka dhawaajiyay in tallaalka uu soo saaray dalkiisa uu yahay mid laysku haleyn karo sida hubka AK 47.

Wuxuu hadalkan ka sheegay xilli uu Khamistii shir la lahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka Tatyana Golikova.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli saraakiisha caafimaadka dalkaas ay diiwaangeliyeen tallaal looga hortaggayo cudurka Karoona kaas oo loogu magac daray Sputnik Light.

Putin wuxuu isbarbardhig ku sameeyay xilliggii maamulkii Soviet-ka oo uu hubka Kalashnikov ahaa mid caan ah oo ilaa iyo maanta si weyn loo adeegsado.

Wuxuu carabaabay hadal uu horraan jeediyay dhakhtar kasoo jeedo Austria kaas oo horraantii sanadkan ka hadlay waxtarka tallaalkan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker