Itoobiya Oo Maxkamad soo Taagaysa Rag ku Eedeysana Dilkii Fanaan Caan ahaa Ee ka Dhacay Adiss.

Dilkii bishii Juun ee Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa muusikiiste ay qadarin jireen qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya, ayaa rabshado maalmo socday ka qarxiyay magaalada Addis Ababa iyo gobolka ku xeeran ee Oromada.

 

Debadbaxyada ka dib in ka badan 9,000 oo qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin, dhaqdhaqaaqayaal iyo saxafiyiin ayaa la xiray.

Toddobaadkii hore 2,000 oo qof ayaa lagu soo oogay dacwado la xidhiidha rabshadaha, Kuwaas waxaa ka mid ahaa maalqabeen caan ah oo xagga warbaahinta ah iyo siyaasiga mucaaradka Oromada Jawar Mohammed, oo lagu soo oogay inuu ku xadgudbay Mabaadii’da argagixisa la dagaallanka iyo khayaano dhanka isgaarsiinta ah,

 

Warbaahinta dowladda ay maamusho ayaa sheegtay shakhsiyaad loo haysto argagixisanimo iyo tuhmanayaal kale in wali gacanta lagu hayo, si ay u abuuraan fowdo iyo meesha in ay ka saaraan dowlada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker