Shirkii Afisiyooni oo fashilmay & Wasiir Dubbe oo ku eedeeyey Deni iyo Axmed Madoobe
Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni ayaa markii saddexaad kusoo dhamaaday natijo la’aan.
Madaxda ayaa Maanta dood adeg ka yeeshay Ajendayaasha shirka guud ee Madaxda ee maalmaha soo socda furmi doona, waxaana mar kale la isku mari waayay qodobadii doodda adag ka taagneyd ee ahaa in ajandaha Shirka soo socda lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuurkar Dubbe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay noqdeen wax uu ku tilmaamay jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn, waa sida uu hadalka u dhigay.
Halkan hoose ka daawo wariir Dubbe oo arintaas ka hadlaaya