Dawladaha Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Heshiis Aan La Shaacin Kala Saxeexanaya Maanta

Labada Waddan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee kala ah Mareykanka iyo Shiinaha, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaca ah kala Saxiixdaan heshiis ganacsi.

 

Inkastoo ay jirto Boqollaal bilyan oo dollar oo Canshuur kordhin ah oo labada dhinac isugu jawaabeen, haddana Heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

 

Canshuur kordhinta ayaa sideedii sii ahaan doonto ilaa laga gaadho  Doorashada Madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula Tartami doono Musharraxa ka iman doona Xisbiga dimoqraadiga.

 

Wajiga koowaad ee Heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha uu muddo kooban iibsado midhaha iyo wax soo Saarka ka yimaada Mareykanka.

 

Faah-faahinta kale ee heshiiska ayaa soo bixi doonta marka ay Saraakiisha labada dhinac maanta kula Saxiixdaan Aqalka Cad ee magaaladan Washington.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker