Hoos u dhac laga dareemayo xaaladaha cudurka COVID-19 ee Gudaha Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in  COVID-19  24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 41 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay  Puntland (17) Jubbaland (7) gobalka Banaadir (5) iyo Koonfur Galbeed (2) qof  .

 

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker