MUCJISOOYINKA CARABKA BISADAHA!

Dhawr iyo Toban Qarni ka hor Nebi Muxamad salallaahu calayhi wasalam wuxuu nooga sheegay Bisadaha mucjisooyin badan oo aan la aqoon xilligiisii ama Qarnigisii uu isagu noolaa gaar ahaan dhaqanka nadaafada ee Bisadaha
.قال رسول الله- صلى الله عليه وسلم- في حديث صحيح عن
القطط ” إِنَّهَا لَيْسَتْ بِنَجَسٍ ، إِنَّهَا مِنَ الطَّوَّافِينَ عَلَيْكُمْ وَالطَّوَّافَاتِ”.
Nebi Muxamed SCW waxaa laga soo wariyey Axadiis uu kaga hadlaayo Bisada iyo daahir nimadeeda iyo in Weelka ay afka galiso wax lagu cuni karo laguna cabi karo halka Eygu uu yahay Nijaas loona baahan yahay in si adag loo dhaqo ama loo maydho.
Hadaba wakhtigan xaadirka ah isla markaana ay Dunidu casriga dhanka aqoonta ay gaadhay ,ayaa waxaa si buuxda loo cadaynayaa in Bisadu ay tahay Xayawaanka ugu nadafada iyo Xaragada jecel marka loo eego dhamaan noolaha Xayawaanka.
Saynisyahankii waynaa ee Pasteur ayaa waxa uu yidhi “”Bisaduhu waxa ay yihiin Xayawaan nadiif ah maxaa yeelay waxay ku qaataan wakhtigooda oo dhan is nadiifin ,tasoo markasta aad arkayso iyada oo leefaysa mashquulna ku ah qurxinta Maqaarkeeda dhamaan Kor iyo Hoos””.
Waxyaabaha kale ee la ogaaday wakhtiyadan casriga ah ayaa waxa ka mida sida layaabka leh ee Ilahay SWC uu u sameeyey Carabka Bisadaha ,kasoo dusha sare ku leh lakabyo isdulsaaran isla markaana ay kusii daboolan yihiin lakab sare oo sida Miinshaarka u kirkiran.
Sida laga soo xigtay Saynisyahanada inta badan hindisa qalabka wax lagu nadiifiyo,ayaa waxa ay sheegayaan in samayska Carabka Bisadaha looga qiyaas qaatay qalabka wax lagu nadiifiyo kuwooda ugu tayada fiican maanta, iyada oo la ogaaday in Carabka dusha sare qalaylka ku lihi uu soo saaro Timaha dhintay isla markaana uu yahay nadiifiyaha Haragga.
Waxyaabaha kale ee layaabka leh waxaa ka mid ah in ay Bisaduhu iyagu laftoodu ay isu Masajeeyaan isuna dhaqaan Maqaarkooda,waxaana si cad kuu muqanaysa markasta in aad aragto Bisad midkale Carabka u marinaysa ama u nadiifinaysa Maqeerkeeda.
Rasuulkeenii sharafta lahaa SCW waxna ma qori jirin waxma ma akhrin jirin,ma jirin shaybaadh uu haysto oo uu ku ogaaday xaalka Bisada iyo Carabkoodu sida uu u shaqeeyo,lakiin waxa uga soo waramay Ilahay SWC oo isagu ahaa kii Bisada abuuray ama sancadeeda lahaa.
Waxaan aamin sanahay in arimahani ay xoojin u noqonayaan Cadaynta Nabinimada Muxamed SCW inagana Iimaan inooga siyaadi doono.

W/Q.Khadar Ibrahim Aar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker