Somalida Qabyaaladda Ayaa Kaga Xoogweyn Diinta Islaamka

Kelitaliye gummaade ahaa oo dad siyaasad ugu laayay xukun qabiil awgii, Qur’aanka Allaah bedelay, yidhi wiilasha iyo gabdhuhu waa u simanyihiin dhaxalka, dilay culimo badan markii ay ka horyimaadeen bedelidda Qur’aanka Kariimka ah, qabiil weyn rabay inuu ka dhigo wax la gumaado iyo wax la qaxiyo nacayb awgeed, dhulkoodana rabay inuu u qaybsho kuwo uu ku tilmaamay Ehelka Kacaanka sida ku cad Warqaddii Geerida ee taariikhdeedu ahayd January 23kii, 1987 taas oo dembiile dagaal General Moxamed Saciid Morgan u kala diray: Siyaad Barre oo soddigiisa ah oo ahaa madaxweynaha kelitalisnimada qabiilka, Axmed Saleeman Dafle oo isna Siyaad Barre soddog u ahaa isla markaana ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo Aden Gabyow oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga Siyaad Barre.
Afartaas nin oo isku beesha ahaa waxay caddayn u yihiin in dagaalkii la rabay in lagu dabargooyo dadka Isaaqa uu ku salaysnaa nacayb qabiil kaas oo ay ku kacday beeshii mindida daabkeeda haysay maalintaas, Somalidii kalena lagu dagaalgeliyay wadaninimo been ah si ay gummaadka uga qaybgalaan. Siyaad Barre oo ogaa inuu xukunkiisu ahaa kelitalisnimo qabiil, ayaa gummaadka uu ku kacay Soomaali ku kala geeyay kuna kala tagtay. Kooxdaas Muslimka sheeganaysa ee ka dul-ooyaysa qabriga Siyaad Barre waxay u haystaan inuu ahaa geesi ummadda Somaliyeed ku faanto oo horumar gaadhsiiyay halka uu ahaa dilaa beeshiisa naaxiya oo u boobay xukunki ka dhaxeeyay Somali. Siyaad Baarre oo loo ammaano dadka Isaaqa waxay la mid tahay Hitlar oo loo ammaano dadka Yuhuudda. Weligeed Somali heshiinmayso inta ay jiraan dad la caqli ah kooxdaas dultuman qabriga Siyaad Barre.
Ummadda Somaliland waxaan kula talinayaa inay xoogga saaraan dhismaha ciidan milatari oo xoog leh si ay uga nabadgalaan masiibo aadami oo ka dhalatay nacayb qabiil sida tii ku dhacday dadka Isaaqa sannadihii u dhaxeeyay 1986-1989 oo laga gummaaday dad ka badan 50, 000, dadkaas oo shacab ahaa, dembiga ay galeenna uu ahaa magaca qabiilkooda. Waxa keliya ee cadowga xanuujiya oo jebiya waa ciidan xoog leh, tayo leh oo ku qalabaysan hubka casriga ah ee isbedela. Iska ilaasha midnimo dambe waayo Somalida qabyaaladda ayaa kaga xoogweyn Iimaanka Diinta Islaamka. Somalidu dembiilayaasha ummad dhan dhibaato laxaad u geysta oo burburiya midnimada, qaranimada iyo dawladnimada ayay u yaqaaniin geesi qabiil.
Beel eeg waxay maantana Muqdisho ka samaynayaan kuwii dawladnimadii Somaliyeed ee curdanka ahayd ku burburiyay kelitalisnimo qabiil. Dadka noocaas ah marnaba lalama qaybsankaro dawlad rabta inay dadkeeda iyo dalkeeda gaardhsiiso horumar.
DAAWO SIDUU SIYAAD BARRE U BEDALAY UGUNA JEES-JEESAY AYAADKA ALLAH (SWT)
https://www.facebook.com/Faadhigo/videos/3197407917028325/
Qabrigii Siyaad Barre oo Loo Ducaynayo
Ibrahim Hassan Gagale
March 22, 2021

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker