Eritrea oo Doonaysa in ay dhex dhexaadiso Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Asmara-(OWN)-Dowladda Eritrea ayaa hadda qorsheyneysa in la bilaabo wada hadallo lagu dhameynayo khilaafka siyaasadeed ee madmadowga soo kala dhax-galay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Su’aal arintan ku saabsan oo la weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku jawaabay’’ mar walba dowladda waa ay soo dhaweyneysaa dadaal kasta oo la doonayo in lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira, laakiin waxaan rabaa in aan kuu cadeeyo mar walba doonista heshiiskan waxaa uu ka socday dhinaca kale [Imaaraadka] ayuu yidhi Wasiirku.

Dhawaan waxaa magaalada Abu-Dhabi ee dalka  Isku-taga imaaraadka Carabta tagay labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Ertirea iyaga oo la kulmay Dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka oo boggaadiyay heshiiska labada dowladood.

Dowladda Imaaraadka ayaa La  sheegay in ay door-wanaagsan ku laheydma in la soo afjaro colaadii muddo ka badan 20 sano u dhaxeysa dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker