Raysal wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Somaliland lagu qiyaameeyay is-afgaradka ay la galeen Itoobiya

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre  ayaa ku eedeeyay Itoobiya in ay ka go’an tahay inay burburiso isku dayga lagu doonayo sii socoshada wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee dhawaan ka bilowday Jabuuti.

Raysal wasaare Xamse wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Somaliland lagu qiyaameeyay waxa ka dhacay magaalada Addis Ababa, isagoo ugu baaqay inay kusoo laabtaan wada xaajoodka.

Xamse wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sabir badan u sameysay Itoobiya .

“Waxaan ku dadaalnay runtii inaan inta ugu badan inaan sabir muujino. Ciidamadoodii baa nala jooga, naga baxa maanan dhihin. Safaaraddoodii baa joogta, baxa maanan dhihin oo maanan burinin safiirkoodii. Diyaaradahoodii baa imaada, naga jooga maanan dhihin. Waxaan xeerinaynaa danta dadkeenna inay ku jirto wada noolaansho. Weli waxaan rajo ka qabnaa inay ka noqon doonaan is-afgaradkaas aan sharciyadda ku dhisnayn,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la hadasho madaxda  Somaliland.

Xamse wuxuu sheegay dadka Somaliland in ay yihiin dad jecel midnimada Soomaaliya, balse aan  helin fursad ay ku hadlaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker