Miyaan La Ila Arag

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow,
Salaan kaddib, waxa beryahan dambe jira soona kordhaya; macnaguurinta ereyada afkeenna Soomaaliga ah. Arrintaasina waxa si dadban oo aan u-la-kac ahayn u wada dhawr nin oo qurbaha ku raagey – markoodii horana reer magaal ahaa.
Haddii aynnu soo qaadanno dhawr tusaale oo ka mid ah ereyada la dalanrogey ee weliba dhallinyarada afka loo geliyey, waxa ka mid ah:
  • Markii aan doorashada u ordayey! Ninka sidaasi u hadlayaa, wuxu macno toos ah ka qaatay oo uu Soomaali u turjumey, qurub weedheedka (phrase)ka Ingiriisiga ah ee (running for)!!

Afsoomaaliga saxda ah ee awel la adeegsan jirey wuxuu ahaa/yahayna, markii aan u tartamayey ama loolamayey doorashada ama xilka!

 

  • Ereyga kale ee la silic dileyna waa: Xabbad nool!? Ereygaasi, waxa 1980 naadkii markii taariikhda ugu horreysey isticmaalay; nin reer magaal ahaa oo ka shaqayn jirey laanta Afsoomaaliga ee BBC da. Ninkaasi warka akhri jirey, ayaa si toos ah u macnaystay, ereyada Ingiriisiga ah ee (live bullet).

Afsoomaaliga saxda ah ee (live bullet) loo isticmaali jireyna wuxu ahaa, xabbad dhab ah.  Waayo, xabbaduhu laba nooc ayay u kala baxaan oo kala ah, tu dhab ah iyo mid loo yaqaanno, dheemish ama ta rabadhka ah.

 

  • Waxa kale oo aan dhawaan arkayey, nin ay ku qalloocatay kalmadda, dabuub oo inta badan laga isticmaalo: Jabuuti, gobolada Galbeedka ee Somaliland iyo Kililka Shanaad. Mudanahaasi oo dhawaan meel fagaare ah dhallinyaro kula hadlayey, wuxu dhageystayaasha ka dhaadhicinayey; dabuub ayaa soo helay, isagoo ereyga dabuub ku macnaynaya; (statement)!

Haddaba, haddii aan la foofdaran habaabineyn, ereygan dabuubi wuxu la macnayey, kelmad ama erey ee ma aha (statement)!

Tusaale ahaan: haddii uu qof kugu yidhaahdo, dabuub xun baad maanta igu tidhi, macnaheedu waa, erey xun baad igu tidhi.

Afkii wuu ooyayaa

Ilmuu sii deynayaa

Agoon weeyaan haddeer

Rag baa ereygii bedeley

Afkii baa juuqda gabay

Abwaankii waa la nacay

Odaygii wuu aamusoo

Ishuun buu gabedh ka siin

Ayey waa laga tegee

Miyaan ummaddiiba jirin

Sideen ubadkii nidhaa?

Miyaan af qalaad barnaa?

Haddii ereygeennii lumo

Islaamkii yaa macnayn?

Ayaa aayadihii furfuri?

Ayaan sii eersannaa???

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker