Qodobo laga soo saaray kulankii R/wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay kulankii Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ku yeesheen Hotel Decale.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay ka xun tahay tallaabadii Jimcihii la isku hortaagay bannaanbixii Golaha Midowga Musharaxiinta ka dhigayeen Magaalada Muqdisho, waxayna labada dhinac isku afgarteen in loo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya.

Sidoo kale dhinacyada ayaa isku waafaqay in dib loo dhigo bannaanbixii ay Midowga Musharaxiinta qorsheeyeen in Jimcaha berrito ku qabtaan Caasimadda Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker