Madaxweynaha Faransiiska Oo Xayiraad Kusoo Rogay Dalkaas Mudo Afar Todobaad Ah

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xayiraad hor leh ku soo rogay dalkaas mudo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa Sabtida. Hadal uu ka jeediyey telefishanka ayuu madaxweynuhu go’aanka ku shaaciyey waxaanu sheegay in la xidhi doono suuqyada waaweyn iyo iskulladaba.

Waa markii seddexaad oo muddo laba sano gudahood dalka Faransiiska xayiraado lagu soo rogo, kadib markii cudurka safmarka uu saameyn ba’an u geystay dalkaasi.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa waxaa uu sheegay in waxbarashada lagu qaadan doono qaab online ah laga bilaabo isbuuca soo socda.

Wuxuu sheegay inuu ogyahay saameynta ka dhalan karta in isbeddelo lagu sameeyo jedwalka waxbarashada, laakiin wuxuu sheegay inay tahay talaabada kaliya ee lagu dammaanad qaadi karo badqabka caafimaad ee caruurta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker