Budhcad Badeed Ku Afduubtay Galbeedka Afrika Markab Turkigu Leeyahay

Budhcad Badeed hubaysan ayaa weerartay markab shixnad xamuul ah siday oo laga leeyahay dalka Turkiga meel u dhow xeebta Galbeedka Afrika, kuwaas oo afduubay 15 badmaax oo markabka la socday, dilay mid ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiisha Turkigu maanta oo Axad ah.

Markabkan Tirkiga ee la afðuubay ayaa ku safrayey calanka dalka Liberia, waxaana magaciisa la yidhaa M/V Mozart, kaas oo ka soo shiraacday Lagos, Nigeria, una socday Cape Town oo ku taala Koonfúr Africa markii la weeraray subaxnimadii Sabtida 100 mayl badeed (185 kilomitir) waqooyi-galbeed Jasiiradda Sao Tome iyo Principe.

Agaasinka Badda ee Turkiga ayaa sheegay in shaqaalihii markabku markii hore ay isku soo xidheen meel amaan ah balse budhcad badeeda ayaa qasbay inay soo galaan lix saacadood kadib Intii lagu gudajiray afduubka, waxaana dhintay mid kamid ah shaqaalihii markabka saarnaa.

Qofka dhintay ayaa lagu sheegay inuu yahay Injineer Farman Ismayilov oo u dhashay Azerbaijan, oo ah ninka kaliya ee aan u dhalan Turkiga, balse shaqaalaha kale ay wada yihiin Turkish.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker